Ninka Sheegta Gudoomiyaha Amniga Shabeelada Hoose Cali Nuure Oo Bixiyey Amar Qaldan Oo Lagu Weerarey Nin Beeraley Ahaa Oo Ku Dhaqnaa Afgooye (Akhriso Ducumentiyada Leys Dhaafsadey)

Ninka boobay xilka Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga ee Gobolka Shabeelada hoose Cali Nuure Maxamed ayaa si qaldan u bixiyey amar lagu weeraray mid ka mid ah Beeraleyda ku dhaqan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose.

Warqad uusoo saarey Cali Nuure Maxamed taariikhdu markii ay ku beegneyd 22-ka bishan ayuu ku farey qaar ka mid ah Saraakiil ka hoos shaqeeya iyo Ninka sida magac u yaalka ugu magacaaban Maamulka Degmada Afgooye inay fuliyaan amarkiisa.

Warqadda Cali Nuure Maxamed Uu Soo Saarey

Isala habeenkaas ayaa waxa gurigiisa lagu wareeya Axmed Ibraahim Dhure (Liimoole) oo si weyn looga yaqaano degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda, waxaana la sheegaa in ninkaas uu caan ku ahaa Beeraha gaar ahaan Iibinta Liin dhanaanta.

Maleeshiyaad si gaar ah uga amar qaata oo howlgalkaasi fuliyey ayaa waxay kusoo dhawaceen Liimoole halka jirdil iyo handadaad ay kula kaceen haween iyo caruur xilliga weerarka lagu qaadey guriga ku sugnaa.

Liimoole oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu jiro dhac baahsan oo loo geystey guririgiisa oo laga soo qaatey lacag gaareysa toban Milyan oo shilin Soomaali ah iyo dahab tiradiisa uu ku sheegay ku dhawaad sodon garaan, isagoosu’aala ka keenay in weerarka lagu boobi rabay hantidiisa iyo in kale

Isla maalintii xigtey ee  bisha ay ku beegneyd 23-ka bishan warqada uu ku saxiixanyahay C.naasir Caalim Ibraahim ayuu ku sheegay in uu fuliyey amarka la farey, waxaana uu xusey in si fiican uu u dhacay weerarka Liimoole, isagoo sidoo kale cadeeyey shaqada iyo nooca ay tahay sida warqadda ku cad.

Warqadda Uu Qorey C.naasir Caalim Ibraahim

Axmed Ibraahim Dhure (Liimoole) ayaa hadda dhaawaciisa waxa lagu dabiibayaa Isbitaalka Madiina ee magaaladsa Muqdishgo, waxaana ehelada Ninkan ay codsadeen in wax laga qabto kuwa sheegta magaca maamul ee baadda iyo weerarka ku qaada shacabka aan hubeysneyn ee ku dhaqan degmada Afgooye.

Hoos ka daawo Dhaawaca Liimoole ee Lagu dabiibayo Isbitaal Madiin

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE