Wafdi Culus Oo Ka Socda Dowladda Qadar Oo Maanta Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Muqdisgo (Sawiro)

Wefdi uu hoggaaminaayo Khalifa Jassim Al-kuwari oo ah Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qadar ee horumarinta ayaa maanta ka soo degay magaalada Muqdisho, wefdiga waxaa soo dhaweeyey Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaallaha Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mukhtar Mahad Dauud.

Wafdiga Dowladda Qadar ka socda oo ka kooban shan xubnood ayaa la kulmi doona Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Dowladda Qadar ayaa weli ku jirta go’doomintii ay dalalka Khaliijka badankood iyo Masar ku soo rogeen. Dowladda Soomaaliya ayaa khilafka Khaliijka ka istaagtey mowqif dhex-dhexaad ah, kaas oo loo arkey mid ay ku tagereyso Dowladda Qadar.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE