Dhageyso Mid Ka Mid Ah Wasiirada Maanta Uu Ku Dhawaaqey Madaxweynaha Hirshabelle Oo Xilkii Iska Casilay*

Ismaaciil Maxamad Culusow oo ah wasiiru dowlaha cusub ee wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta maamulka Hir-Shabeelle isla markaana ka mid ahaa liiska golaha wasiirada ee la magacaabay ayaa sheegay inuu iska casilay xilkaasi .

Waxa uu sheegay Ismaaciil Maxamad Culusow in aan lagala tashan xilka loo magacaabay oo ah wasiiru dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta.

Madaxweyne maamulka Hir-Shabeelle Mudane Maxamad Cabdi Waare ayaa magacaabay gole wasiir oo ka kooban 57 xubnood.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE