Dhageyso Wasiirka Amniga Oo Soo Saarey Amar Deg Deg Ah Oo Ku Saabsan Amaanka Magaalada Muqdisho, Digniin Culusna Direy

Wasiirka Wasaaradda Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale ee xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saarey amar deg deg ah oo lagu xaqiijinayo amaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Ducaale ayaa marka hore sheegay in magaalada Muqdisho ay dib ugu laabatey sidii ay aheyd bishoo May ka hor oo Mas’uuliyiinta qaar iyoi xildhibaanada ay soo celiyeen qoryiihiin iyo gaadiidkii la macnuucay ee lagu dhex wadan jirey magaalada gudaheeda.

War ay sii daaysay warbaahinta dowlada ayuu sidoo kale uu ku sheegay wasiirka Amniga in ilaalada mas’uuliyiinta looga baahan yahay inay xirtaan darees lagu yaqaan oo aysan dhar walba iska xiran karin.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa sidoo kale ka hadlay shirarka lagu qabto magaalada Muqdisho waxana uu sheegay in aan lagu qabin karin Hotelada Muqdisho shirar aysan ka warqabin dowlada.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE