Dowladda Mareekanka Oo War Kasoo Saartey Maleeshiyadii Alshabaab Ee Lagu Laayay Weerarkii Bariire Ka Dhacay Bishii August

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Ciidamada Mareekanka ay ku leeyihiin Afrika ayaa waxaaa faaffin looga bixiyey weerar bishii AuSgust ka dhacay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose.

Sida ku cad qoraalka weerarkaas oo dhacay 28-kii August ee sanadkan oo la qaadey aroor hore ayaa waxa lagu bartilmaamrrsadey maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab.

Xafiiska Africom ayaa sheegay in howlgalkaas ay iska kaashadeen Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo Ciidamo Mareekan ah, waxaana bartilmaameedka uu ahaa maleeshiyaad Shabaab ah oo ku sugnaa Beerta la weeraray.

“Kadib qiimeyn iyo baaritaano laga sameeyay howlgalo ay horkacayeen ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo eedeymaha la xiriiray in dad rayid ah lagu diley, Taliska Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Howlgalada Africa ayaa waxaa uu ku soo gunaanuday in dadka halkaa lagu diley ay ahaayeen Shabaab.” Ayaa lagu yiri warbixinta.

Waxa intaa ay kusii dartey warbixinta in si quman oo mas’uuliyadi ay ku jirto loo hubiyey in weerarka aanay ku wax yeeloobin dad rayid ah, si looga baaqsado fashilka howlgalka oo ahaa mid qorsheysan.

Duqeyntii ka dhacdey deegaanka Bariire ayaa qab qablayaal kasoo jeeda Gobolada dhexe ku sheegeen in dad rayid ah halkaas lagu dilay, waxaana mowjado siyaasadeed ay ka dhigteen dilka Maleeshiyada Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE