Qarax Khasaare Kala Duwan Geystey Oo Lagu Weeraray Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari

Qarax loo maleenayo in uu yahay Bam gacmeed ayaa maanta waxa uu ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, halkaas oo la sheegayo in ay ku dhaawacmneen dad isugu jira Ciidan iyo Rayid.

Isbitaalka guud ee Bosaaso ayaa la geeyey 11 qof oo qaba dhaawacyo kala geddisan kuwaas oo u badan askar, waxaa ku jira dadka dhaawaca ah dad rayid ah oo rasaas ku dhacdey oo goobta ka dhawaa.

Ganacsiga magalada Boosaaso ayaa xiran maalintii labaad, maagalada waxaa lagu soo daadiyey ciidamo badan oo suga ammaanka kuwaas oo ku sugan waddooyinka halbowlaha u ah magaalada.

Dhaq-dhaaaqa ganacsiga dekadda Bosaso ayaan jirin, doonyaha sidey alaabaha ganacsiga ayaa ku sugan bannaanka dekadda, waxaana socota waan-waan lagu xalinaayo muranka taagan, maadaama badeecadaha saaran doonyaha ay khatar geli karto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE