Wasaaradda Gargaarka Iyo Maareynta Musiibooyinka Oo Magaalada Baydhabo Ku Qabatey Munaasabadda Maalinta Naafadda Aduunka (Sawiro)

Wasaarada Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Baydhabo ku qabatay munaasab balaaran oo lagu xusayo Maalinta Naafada cCaalamka ee 3-da December.

Munaasabadda maanta ayaa waxaa kasoo qayb galay Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Koonfur galbeed iyo xubno kasocday Ururka Naafada Koonfur Galbeed, dadki kasoo qayb galay ayaa dhamaan dareenkooda ku cabiray maalintaan loo asteeyey.

Wasiiradda Wasaarada Gargaarka Marwo Binti Ibraahim Cali ayaa qubdab dheer oo dhinacyo badan taabaneysa oo laxiriira maalintaan, waxaana aragtideeda iyo dareenka ay kamuujisay war-warka ay qabto dhinaca Xuquuqda Naafada ee ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay ku simaha Madaxweeynaha Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha Iiyo Waraabka Koonfur galbeed Maxamed Xassan Fiqi ayaa gabagabadi soo xiray isagoo qudbad dhiiri galin ah ka jeediyay munaasabadda kuna amaanay doorka Wasaarada ay ka ciyaareeyso barnaamijka xukuumada ee Koonfur galbeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE