Carabta Oo Ku Guulaysatay In 3 Madaxwayne Oo Soomaaliya Xukunka Isaga Danbaysay Ka Horkeenaan Turkiga Iyo Shacabka Oo…

Maahmaah soomaaliyeed ayaa oranaysa “WAXAA JIRA NIMAAD KABIHIISA TOLAYSO OO ADNA KAFAN TAADA TOLAAYA”Dawlada Turkiga waa dawlad wayn oo leh xaadaro wayn soona xukumi jirtay afrika qaarada aasia iyo yurub oo ku fiday dalka ruushka.Carab oo aan waxba ahayn oo badaw ah ayay Turkigu lahaa yeen xadaarad iyo dawlad.Waa dal suni ah oo aan lahayn shiico. waa dal leh ciidan xoogleh kana mid ah xoogaga NAATO loo yaqaan ee reer galbeedka.xaga wax soosaarka iyo horumarinta kaluumaysiga iyo khayraadka bada waa niman ku horeeya,waxayna heerka gaareen cilmiga wax soosaarka beeraha.

Dalkan waxaa hormarkiisa ka masayrsan oo waligoodba col u ah wadamada carabta oo dhan oo u arka nin islaam ah hadana iyagii ka badiya diintii iyo maadigiiba.waxay waligoodba xulufo soo jireen ah la ahaayeen dawladaha reer galbeedka iyo yuhuuda markay arimaha turkigu taagan yihiin.Tani waa taariikhdii hore,waxayna carabi wax kadumiyeen dawladii CISMAANIYIINTA ee islaamka ee turki xukumaayay.carabi waa cadaw turki oo soo jireen ah.

Soomaalida iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeyay xiriir isqadarin iyo iskaashi oo qodo dheer,soomaalidu waxay wax ka difaaceen jiritaankii dawladii cismaanyiinta oo ay kamid ahaayeen.awadal iyo harar ayay soomaalidu wakiil uuga ahaayeen dawladii cuismaaniyiinta,waxayna ka soo horjeedeen xoogagii aabasiinaya ee reer galbeed kaalmaynaayay iyo carab ee duulanka ku ahaa burburintii dawladii islaamka.Sucuudiga ayaa lagu dilay ibraahiim rashiid oo ahaa hogaamiyihii xiligaa ee turkiga. dawlada ingiriiska ayaa markaa u dhiibtay reer sucuudi boqortooyada ay haystaan ilaa maanta oo iska dhaxlaan waxaana aabaal looga dhigay jabintii turkiga.

Carabtu waxay taageeraan marwalba cadawga soomaaliyeed waxayna la jiraan dalka dhulka inaga haysta ee eithiopia.Carabi waxba uuma qaban soomaaliya oo colaad iyo macaluul la daala dhacaysay mudo 30 sanadood ah.carabi malaha aqoon farsamo iyo hormar sida turkiga iyo maleesiya iyo induniisiya iyo bakistaan.waxay carabi soomaalida bareen qabiil iyo xin iyo xasad.

Carabtu waxay qiimo lahaayeen xiligii ay haysteen diintooda islaamka ah oo ka dhigtay dad sharafleh awal waxba ma aysan ahayn.haday ka tageen diintoodiina waxay u noqdeen sidaa ay hada yihiin ee ah badaw waxba aan kala garanayn.waxad arkaysaa siday yeeleen ee u dileen madaxwayne qadaafi waxaa kasii daran siday hadana u dileen cali cabdalla saalix iyadoo ay ka sii xuntahay siday u dileen saadam xuseen.waxaad halkaa ka garanaysaa inay yihiin dad aan lahayn ilbaxnimo oo caadifi ah oo aan xurmo iyo lahayn akhyaarnimo buuxda.

Waxaase ka liita soomaalida kuwaa hoos fadhiya ee ay u taliyaan oo madaxa ka guumaystaan!! soomaalidii hore way iskala waynaayeen carabta oo waakii sayidkii la waydiiyay markii diyaarado loola yimid sayidoow waxan waa inaga tan bateene ka waran hadaynu carab walaalaheen u qaylo dirsano oo laynoo soo gurmado? Sayidkii ayaa la yaabay hadalkaas kolkaasuu gabay uugu jawaabay ooyiri.

– Cudud ma leh col kula weerar gala, ciidan iyo xooge  

– Inkastey cid kuu soo diraan, waa cidloo kale

– Caloosha iyo madaxay sidii, dumar cantuugaane

– Maandhoow cayaayirka iga daa, Carabi waa naage

3 sadex madaxwayne oo laba kamid ahi guul daraysteen midina lahubsan doonee

Ragaas ayaa rag ahaa oo yaqaanay carab waxay gasho iyo waxay gudo.Xiligii madaxwayne sh.shariif ayaa dalkeena waxa usoo gurmaday dawlada turkiga oo ka caawisay abaartii iyo macaluushii ka dhacday sanadkaa 2011.xiligaa dalkeena waxaa ku dhintay 300 000 sadex boqol oo kun oo soomaali ah.xiligii madax wayne xasan sheekh waxay dalkeena ka fulisay mashaariic hormar ah sida dakadaha iyo gooranka diyaarada iyo iskoolada iyo jidadka magaalada MOGIDSHO. waxay dhiseen laamiyadii waxay dhiseen isbitaalo heer caalami ah oo laga helo qalabkasta oo awal dibada loo aadi jiray.waxay wax muuqda ka qabteen MOGDISHO.

Shariif waxaa loo sooban dhigay in dalkaan lagu soo dabaalo nabad ciidan qarana la dhiso shariif waxa uu yiri arimahaas dib noogu dhiga culeey ayaa jira siyaasadeed oo isaaran.wuu diiday isagoo qaatay beesadii carab siisay iyo taladoodiiba.nasiib daro sheikh shariif kama faa iidaysan in uu turki dalka dajiyo oo ciidan u dhiso.waxaa ku xigay xasan sheekh oo turkigu usoo bandhigay in ciidana loo dhiso hadana haduu ku dhawaaqo turkigu keenaya soomaaliya 30 000 oo ciidan ah turki oo dalka dajisa badashana ciidamadan afrikaanka ah. sidii si lamid ah waxa uu qaatay beeso carabi siisay oo waa uu diiday in turki keeno dalka ciidan waliba xasan inbadan ayuu meermeerinaayay turkiga oo been u sheegay muuqata.

Waxay madaxdani qaateen waxaan danta qaranka soomaaliyeed ahayn waxaan ku haboonayn dhaqanka islaamka iyo dal hogaamin midna.waxaan u qalmin soomaali oo ah aragti liidata iyo gunimo cad.

Madaxwaynaha hada joogaa waxaan aragnaa in turkigii shaqo galay oo ciidankii tabar xoogleh uuga furay saldhiga MOGDISHO waxaan aragnaa in wax wayni socdaan turkina caawinayo ciidan a haan soomaaliya.laakiin wali ma aragno turkiga oo dakadaha iyo garoomada dawlad goboleed yada dhisaya oo xeryo ciidan ka furaya mana samaynayo hadaan dawladu ka codsan oo dhihin halkaa tag.waxaan isha ku haynaa in madaxwayne farmaajo maro wadadii kuwee hore mareen ee ahaa turkiga halagalina heshiis anagana xulufo nala ahaada ee ay yeeleen in uu wadadaa maro iyo in uu noqdo geesi gaashanka u daruura carab iyo xulufadeeda oo turkiga raaca taasoo macnaheedu yahay dantii soomaaliyeed iyo dawladnimadii soomaaliyeed oo la hantay.

Dawlad goboleedyadu carab ayaa u diidan in ay dalbadaan kuma dhacaan turkiyoow kaalay noo dhis dakada goroomada iyo laamiyada iyo goobaha waxbarashada,kuma dhacaan turkiyoow kaalay naga caawi khayraadka kaluumaysiga iyo beerha waayo carab ayaa siisa lacag laaluush ah oo turkaga ayay cadaw u yihiin.

Waxaad halkan ka fahmaysaa in carabtu faro ba an ku hayso madaxda soomaaliyeed oo ay ku bixinayso maalfarabadan si turkiga looga saaro soomaaliya.oo ah hadii soomaalidu diyaar u ahayn in ay wax la saxiixato turki dabcan waa iska tagayaa waxaa layiri oo soomaalidu ku maah maahdaa  “nin way tag lama yiraa ee wuxuu kutagaa la tusaa.” turkiga nin bax oranayaa majiro duruufaha bixinaaya maadaama aan cid rabtaa jirin.

Shacabka Mogdisho dagan ee turkigu caawiyay u qabtay wax walba maha inay noqdaan Gun aan abaal lahayn sida hada ka muuqata,maxaa yeelay maha in FIQI iyo Mahad salaad iyo Odowaa iyo Cabdishakuur iyo Cumar cabdi rashiid hortooda Turki ku xumeeyaan oo Mogdisho ku bahdilaan oo carab xulufo la noqdaan si turkiga meesha looga saaro.ragani waxay u dagaalamayaan waa lacag doolar ah oo carabi siisay,waxayna iska dhigayaan kuwo la dagaalsan dawlada iyo farmaajo oo mucaarad ah arinkuna taas waa ka wayn yahay.Farmaajo cid dankale majirto waxa loo socdaa waa turkiga ee farmaajo waa gabaad lagu marmarsiin yoonayo.

waxay hayd shacabku in nimankaa kooxda ah ee hadafkooda uugu wayni yahay turki saarid,ee mashruuca ku soo qaatay waxay ahayd in dhagax lagu dilo cadawgaa somaali u diidan dawladnimada ileen mucaarad lama dhihi karo waxaas ee.waa damiir xumo iyo ceeb shacabka mogdisho in ay indhaha kasii eegtaan cadawga carabi inagu soo dirtay ee u diidan in Mogdisho noqoto caasimad nabad ah oo soomaaliyana hesho dawladnimo buuxda.

Wadan walba daba dhilifka waa lalaayaa oo layska qabtaa.waxaan leenahay turkiga cadawgiisu waa cadawga soomaaliyeed waxaa cadaw inoo ah cidkastoo neceb walaalkeen turki oo nagarab istaagay maanta.soomaaliyana way dhismaysaa way guulaysanaysaa cadawgeeduna waa jabayaa.Turkigu waxa uu ka dhigayaa soomaaliya dawlada uugu xooga badan xag ciidanka qaarada afrika waxa uu ka dhisayaa mogdisho guriga uugu wayn guri caalamka lagu shiro kaasoo aayaha laga xukumi doono afrika iyo carab.soomaaliyeeey toos waad huridaana fura indha arka guusha iyo mustaqbalka fahma cadawgiina oo iska qabta.carab iyo soomaalida u shaqaynaysaa ma doonayaan in aan dawlad helo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE