Chelsea v Barcelona, Real Madrid v PSG – Isku Aadka Wareega 16ka Ee Koobka Champions League Oo La Soo Saaray

Mid ka mid ah kulamada ugu waa weyn wareega 16ka Champions League ayaa ah in kooxda difaacaneysa koobkaan ee Real Madrid inay la ciyaari doonto wareega 16ka kooxda kale ee ugu cadcad koobka ee Paris Saint-Germain iyadoo lugta hore lagu hormari doono garoonka Santiago Bernabeu.

Sida la saadaalinayay kooxda Ingariiska ee Chelsea oo kaalinta labaad uga soo baxday group-keeda ayaa waxa ay qoorta isku galeen koox ay si fiican isku yaqaanaan ee Barcelona.

Kooxda Talyaaniga ee finalka ka gaartay Champions League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ayaa wareega 16ka waxa ay la ciyaareysaa kooxda Ingariiska ee Tottenham iyadoo lugta hore lagu ciyaari doono garoonka kooxda Talyaaniga ee Allainz Stadium.

Manchester City oo ka mid ah kooxaha ugu cadcad Champions league ayaa waxa ay wareega 16ka la ciyaari doonaan kooxda reer Switzerland ee FC Basel.

Kooxda tababare Jurgen Klopp ee Liverpool oo shan jeer ku guuleysatay Champions League ayaa waxa ay wareega 16ka la ciyaari doonaan kooxda reer Portugal ee FC Porto.

Manchester United oo iyadana ah kooxda labaad ee Ingariis ah ee ugu guulo badan Champions League ayaa waxa ay wajihi doonaan kooxda reer Spain ee Sevilla.

Bayern Munich waxa ay la ciyaari doontaa Besiktas, halka AS Roma ay iswajihi doonaan kooxda Skakhtar Donestk.

Kooxaha kaalinta kowaad groupyadooda kaga soo baxay waxay marti noqon doonaan kulamada lugta hore ee wareega 16ka kooxood ee la ciyaari doono 13/14 February 2018 halka kulamada lugta labaad la ciyaari doono 20/21 February 2018 iyada oo kulamada lugta labaad lagu ciyaari doono kooxaha kaalinta kowaad kaga soo dhamaystay groupyadooda.

Isku Aadka Wareega 16ka Oo Dhameystiray

Juventus v Tottenham

Basel v Manchester City

FC Porto v Liverpool

Sevilla v Manchester United

Real Madrid v Paris Saint-Germain

Skahtar Donestk v AS Roma

Chelsea v Barcelona

Bayern Munich v Besiktas

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE