Dhageyso Wariye Ka Tirsanaa Tv-ga Kalsan Oo Ku Geeriyoodey Qarax Loogu Xirey Gaari Uu Watey

Wariye u shaqeynayay Telefishinka Kalsan oo ka mid ah telefishanada ku hadla Afka Soomaaliga ayaa galabta lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa, xilli uu ku sugnaa degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhejiska ayaa qeybta hoose ee kursiga darawalka loogu xiray, kaddibna la qarxiyay.

Wariyaha oo lagu magacaabi jiray Maxamed Ibraahim Gaabow ayaa ka mid ahaa Wariyeyaasha ka howl galayay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga qaraxa uu dhacayay ay gaariga la saarnaayeen carruur yar oo uu dhalay saaxibkiis oo saarnaa qeybta dambe ee gaariga, balse aanay waxba soo gaarin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE