Faafaahinno Kasoo Baxaya Gaari Xamuul Ah Oo Lagu Dulqeeyey Duleedka Degmada Awdgeele

Duleedka Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa wararka aan ka heleyno waxay sheegayaan in halkaas lagu duaqeeyey gaari Xamuul ah oo wadada maraayey.

Gaariga Xamuulka ayaa warar aan heleyno ay sheegayaan in uu ku rarnaa Moos laga soo qaadey Beeraha ku y aalla Degmada Janaale, iyadoo la sheegayo in duqeyo lala beegsadey xilli uu kusii jeedey magaalada Muqdisho.

Sida aan heleyno Gaariga Mooska sidey ayaa maraayey deegaanka Mubaarag oo duleedka kaga began Awdheegle, waxaana lagu soo waramayaa in diyaarado aan la ogeyn cidda wadatey ay gantaalo ku dhifteen.

Goob joopgayaal ku dhaqan deegaanka Mubaarak ayaa warbaahinta u sheegay in Gaariga la duaqeeyey uu laba qarxay markii gantaalka lagu dhuftey, mana la oga sababta ka dambeysa in la duaqeeyop gaari Moos sida.

Waxa soo baxaya tuhun la xiriira gaariga oo la aaminsanyahay in uu ahaa Gaari Miineysan oo la doonayey in Mooska lagu qariyo sidaasna lagu geliyo Muqdisho si gumaad badan loogu geysto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE