Muddo 30 Sano Ah Ka Dib Degmada Qoryooley Oo Laga Hirgeliyey Leerarka Cadceedda Ku Shgaqeeya (Sawiro)

Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa laga hirgeliyey Nalalka ku shaqeeya Soolaraada Cadceedda, waxaana maamulka degmada uu codsadey in lasoo dhameystireo baahida deegaanka.

Wadada ku taala bartamaha magaalada ayaa maamulka waxay ku xireen ilaa 50 xabo oo baalooyin ay saaranyihiin Leerarka xilliyada habeenkii ah shaqeeya, iyadoo arintan ay qeyb ka tahay soo celinta bilicda iyo horu marka.

Isbedel dhab ah oo la taaban karo ayaa iminka ka muuqda magaalada Qoryooley ee Gobolka Shabeelada hoose, hase ahaatee waxaa weli ay la daalaa dhaceysaa weeraro mararka qaar ay soo qaadaan maleeshiyada Alshabaab ku sugan meel aan ka fogeyn degmada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE