Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada NISA Oo Maanta Soo Gaarey Degmada Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Nabad sugidda Qaranka ee NISA oo watat gaadiid dagaal iyo hub culus ayaa maanta soo gaarey degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose.

Warbixin aan helney ayaa sheegeysa in saraakiishan ay kulamo la qaateen Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Ciidamada Amaanka ee dagaalka kula jira Maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Saraakiisha NISA ee maanta soo gaarey Nambara 50 ayaa la sheegayaa in ay lahaayeen dhowr u jeedo oo ay mid yihiin iskaashiga la dagaalanka kooxda Alshabaab, in la helo Ciidan Mideysan oo suga amaanka iyo sidii xuquuq ay u heli lahaayeen Ciidamada Nambar 50 iyo nawaaxigeeda ka dagaalama oo Alshabaab u diidey inay geedaha hoos harsadaan.

Dhinaca kale Saraakiisha ayaa mahad celin iyo bogaadin u jeediyey boqolaal askari ah oo ku diyaasanaa Saldhiga degmada, waxaana ay ku amaaneen sida geesinimada leh ee ay u hor istaageen cadowga Shacabka Soomaaliyeed ee Shabaab.

Waxa jira sida aan wararka ku heleyno iskaashi dhex mara hey’adda Nabad sugidda Qaranka ee NISA iyo Maamulka Nambar 50, kaas oo ku aadan in ujeedo iyo hadaf mideysan laga lahaado Argagaxisada Shabaab.

Maalmaha soo aadan ayaa waxa Nambar 50 lagu wadaa in ay gaaraan Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga, waxaana halkaas la geyn doonaa hub iyo agab kale oo loogu talagalay Ciidamada Nambar 50 ku sugan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE