Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya Oo Xalay Howlgal Ay Ka Sameeyeen Duleedka Awdheegle Kusoo Qabtey Horjoogayaal Ka Tirsan Kooxda Alshabaab

Howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaan lagu magacaabo Gar-diidka oo ku yaala Gobolka Shabeelada hoose waxaana halkaas lagu soo qabtey horjoogayaal ka tirsan maleeshiyada kooxda Nabad diidka ah ee Alshabaab.

Sida aan wararka ku heleyno Ciidamada Sirdoonka qaranka oo kaashanaya Ciidamada Maamulka Nambar 50 ayaa xalay saqdii dhexe sameeyey howlgal qaabeysan oo ay ku galeen deegaankan oo ku yaala duleedka Bari ee degmada Awdheegle.

Ciidamada ayaa xilliga ay sameenayeen howlgalka watey gaadiid dagaal dagaal hse ahaatee aan laga war helin dhaqdhaqaaqooda, waxaana guryahooda ay ugu dhaceen horjoogayaal lagu raad joogey oo dhibaato ka wadey deegaano ka tirsan Shabeelada hoose.

Hog aan heleyno ayaa sheegeysa in Ciidamada ay qabteen ilaa afr jooge oo dhawaan halkaas soo degey, xilli ayh kazoo baxsadeen duqeymaha diyaaradaha Milteri ay ka sameeyaan goobo horey ay ugu dhuumaaleysi jireen.

Mid ka mid ah horjoogayaasha la qabtey ayaa magaciisa waxa lagu sheegey Cali Shaawey iyo seddax hor jooge oo kale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE