Faafaahinno Dheeraad Ah Oo Kasoo Baxaya Weerarkii Isqarxinta Ahaa Ee Saakey Lagu Qaadey Xarunta Gen Kaahiye Ee Magaalada Muqdisho

Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay Barxada Dugsiga Tababarka Booliska Beneraal Kaahiye ee degmada Xamar Jajab.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka is qarxinta oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan Booliska oo isku diyaarinayay inay gaardiyaan, iyagoo  sheegay in weerarkaas uu fuliyay qof xirnaa jaakadaha qarxa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxa, illaa 15 askari oo boolis ah ay ku dhimatay, halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Qofka fuliyay weerarka is qarxinta ayaa isku soo ekeysiiyay ciidamada, isagoo xirnaa dareyska ciidamada booliska, ciidamada la qarxiyay ayaa ahaa kuwo loo diyaarinayay inay ka qeyb qaataan munaasabadda maalinta ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Qaraxan ka dhacay Barxada Dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ayaa ku soo beegmaya, iyadoo uu jiro diyaar garowga munaasabadda maalinta aas aaska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ku beegan 20-ka bisha December.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE