Ra’iisalwasaare Khayre Oo Wasaaradda Maaliyadda Ugu Hambalyeeyey Guusha Ay Ku Dhawaaqdey Hey’adda Lacagta Aduunka Ee IMF (Video)

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa booqday Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Wasiirka, Wasiir ku xiggeenka, Wasiir dowlaha iyo Masuulinta kale ee Wasaradaasi.

Ra’iisal wasaare Kheyre, ayaa shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ku amaanay guusha ay ka gaareen Wada hadalladii hay’adda lacagta aduunka ee IMF, barnaamijka taxana ah ee isbadalka iyo dowlad wanaagga lagu hirgalinayo ee SMP, kaas oo Mustaqbalka Soomaaliya u horseedaya in laga cafiyo daymaha dibadda dibna loo maal gashado.

Madaxda Hey’adda Lacagta aduunka ayaa ku qancay qaabka maamulka Maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya , iyadoona Madaxdii Wasaaradda Maaliyadda ku ammaanay sida dardarta ah ee ay xoogga u saaraan in Soomaaliya dhaqaalaheeda uu kordho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE