Culeys Xoog Leh Oo Soo Fuuley Mooshinkii Ay Wadeen Kooxihii Mucaaradsanaa Dowladda Iyo Xogo Dheeraad Ah Oo La Helaayo (Warbixin)

Xildhibaano iyo rag kaloo siyaasiyiin ah ayaa wadey Mooshin ay ku sheegeen inay xilka kaga tuurayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka ee Soomaaliya oo kursiga ku fadhiya muddo aan dhameyn hal sano.

Siyaasiyiin ku xiran dowlado shisheeye ayaa hor boodaya Mooshinka Xil ka qaadista Madaxweynaha, waxaana ay xooraamin iyo dhaqaale ku jiidasho ku wadaan Xildhibaanada Baarlamaanka fedaraalka.

Siyaasiyiinta qaar oo isku qeybey inay yihiin Madaxda dhow ee dalka islamarkaana xilalka kala qeybsadey ayaa magaalada Muqdisho iyo magaalada Nayroobi ka wada kulamo iyo shirar looga arinsanaayo arimaha taagan.

Isku deygii ugu dambeeyey ee la doonayey in Mooshinkan lagu hormariyo ayaa ahaa ka dhaadhicinta qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo laga yaabo inay isku hor gudbaan dadaalka kooxaha mucaaradsan dowladda.

Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka fedaraalka ayaa waxa loo balan qaadey in saxiixa kaliya ay ku qaadanayaan lacag gaareysa ilaa toban kun oo doolar ($10,000), islamarkaana u jiro dhaqaale kale oo dib laga bixin doono.

Laba arimood oo aad u saameyn badan ayaa xilligan soo wajahay Mucaaradka Dowlad Diidka dhaqaalaha ka qaatey dowladaha Shisheeye, kuwaas oo ay adag tahay inay ka daba tagaan ama iska hor wareejiyaan.

Labadn arimood ee soo if baxey ayaa keenaya in dib uu u dhaco Mooshinka ama guud ahaan laga laabto oo mucaaradka oo ay la yimaadaan dowr aan kii hore aheyn.

Qodobka koowaad ayaa ah in maanta uu soo xirmey kalfadhigii baraalamaanka la hor geyn lahaa Mooshinka, waxaana xildhibaanada ay galeen fasax muddo qaadan doono.

Mucaaradka ayaa ku guul dareystey inay dib u dhigaan fasaxa baarlamaanka oo gudoonka ay ka dhaadhiciyaan sidii waqti kordhin loogu sameen lahaa fadhiga hase ahaatee arimahaas ayaan suura gelin.

Qodobka labaad ayaa ah in weli kooxaha mucaaradka ay la daalaa dhacayaan sidii ay ku heli lahaayeen tirada xildhibaan ee Mooshinka saxiixeysa oo la doonayo in la helo in ka badan sagaashan (90) Mudane.

Dowladda fedaraalka ayaa bilowdey inay kala fur furto Xildhibaanada qaar ee hada lagu qaldey inay saxiixaan Mooshinka, waxaana durbaba bilowdey in xildhibaano dhowr ah ay ka laabteen howsha mucaaradka wadaan.

Waxa la aaminsanyahay inta lagu guda jiro fasaxa baarlamaanka la fili karo laba arin midkood, kuwaas oo kala ah in guud ahaan lagu dhex milmo oo la kala geeyo Xildhibaanada Mooshinka saxiixey oo hada la aaminsanyahay inay gaarayaan ilaa labaatan Mudane.

Qodobka labaad ayaa ah marka laga soo laabto fasaxa in uu kusoo beegmo Mooshinka oo dar dar ku socda oo meel mara, sida hadaba laga cabsi qabo, taas oo lagu sheegay inay tahay tallaabo adag oo aan si fudud ku dhaqan geli doonin.

Ugu dambeyntii inta lagu guda jiro xilliga fasaxa dowladda waxa ka degi doono culeysyo xoogan oo ka haaystey dhinaca Mucaaradka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE