Dadka Soomaaliyeed Iyo Dalkooda Waa In Loo Jeexaa Siday U Noolaan Lahaayeen 100 Ka Sanadood Ee Soosocota Iyagoo Dawlad Ah

Waxaan rabaa in aan tilmaamo meelaha ayno ka khaldanahay ama ka jilicsanahay hadaynu nahay umada soomaaliyeed.dadkeenu malaha qor shayn fog oo timaadada iyo mid dhaw oo joogta.QORSHAYN? way inaga maqantahay qorshayntu taasoo aan looga maarmayn hormarka iyo in noloshu yeelato macne.dadkeena soomaaliyeed in yar mooyee oo aan sheegidba u baahnayn, inteena kale oo dhami malihin qorsho dagsan oo higsi leh oo nolasha ah in aan ka gaarno.ma arkaysid dadkeena qof qorsheeyay in uu dhameeyo dugsiga sare kadibna aado tacliinta sare isagoo ay u cadahay maadada uu doonayo in uu barto,kadibna heerka gaara maadadaas oo isku daya in uu wax ku soo kordhiyo cusub maadadaas.qofkaasi malaha qorshe tacliimeed iyo han sare ama uugu sareeya oo qof gaaro.dad sidan u fakara oo aan meel kale u leexan ee hadafkaa uun daba taagan intay doonto haku qaadatee malihin.waxaana cadaynaya majirto soomaali tacliinta heer sare ka gaaray oo dunida ka sheegan.inyar oo shahaado sare qaatay oo jaamacadaha aduunka wax ka dhigaa waa jiraan ma diidayo.

Ma arkaysid dadkeena qof qorsheeyay in uu ganaacsiga heer ka gaaro oo uu noqdo qof leh shirkado waawayn oo heer caalami ah,oo hankiisu yahay u fikir dalka gudihiisa iyo dibadiisaba oo ah in uu yeesho dhaqaalo caalamka oo dhan u yaala.qof ku taagan oo qorshahaas dagsaday oo ka fakaray sidii uu ku gaari lahaa oo qorsheeyay ma arakaysid. waa jiraan kuwo maqlay uun lacag iyo ganaacsi kadibna helay xoogaa lacag ah isagoon garanayn aruurinteeda mooyee si uu u isticmaalo! siduu u barkan yahay ayuu ka dhimanayaa.kadibna kuwo yaqaan sida loo cuno ayaa cunaya ilaa shilinka uugu danbeeya. laakiin haduu qorshe u yeeli lahaa waxay ahaan lahayd wax jira oo shaqeeya oo jilba jiil ka dhaxlo oo lagu noolaado ileen qorshahaa sidaa ahaa loo dajiyay ee. laakiin qorshe majirin waxaan qorshe lahayna masii jiri yaan.

Noloshu waa qorshe ah hada maxaad haysaa? mustaqbalka nolashaada maxaad uugu tala gashay ileen sidan ahaan maysidee?qoyska soomaaliyeed ee ka kooban oday iyo habar iyo caruur ama aabe iyo hooyo iyo caruurtood in yar mooyee,ma jiro qorshe u dagsan qoyska mustaqbalka dhaw iyo kan fog.odaygu gooni ayuu usocdaa waxa uu nolasha ka rabo lama yaqaan! marwadu gooni bay usocotaa oo waxay diiradu u saarantahay lama yaqaan,caruurtuna nin walbaa lama yaqaan waxa uu ka doonayo aayihiisa si uu u noolado isagaa og.qoysku malaha u jeedo iyo hadaf nololeed oo ay isku si u arkaan katashadaan ka doodaan isla meel dhigaan oo lawada tiigsanayo.

qoyskii qof baa kasoo  bixi wax bartay nasiibkiis qof baa kasoo bixi shaqo helay nasiibkiis mid ayaan waxba haynin nasiibkiis midbaa dalke iska aadi oo dibdanbe aan loo arkayn nasiibkiis,arimuhu way iska dhacayaan ee majirto talo gal iyo qorshe reerku leeyahay oo guud oo qof walba laga rajeeynayo in uu kaalin kiisa ka soo dhalaalo.qorshe haduusan jirin talo iyo isku xirnaan iyo wax ladoonayaa majirto.

Waa yaab iyo alloow nabad baadiye bal kawarama kol hadii unugii qoyseed uu qorshayn waayay noloshooda iyo mustaqbalkooda hada iyo bariba oo khad jeexan waayay ileen nolosho waa halgan iyo tiigsi in aad ka hormarto sida aad sanadkan tahay labada sano ee soosocota hadii illaahay nolosha kuu sii ogolaado hadaan qorshe qoysku lahayn sidee baan uga fikiri karaa oo u qorsheeyn karaa Qorshaha qarankeena iyo dalkeena soomaaliyeed?

Waxa illaahay ina siiyay dhul aad u balaaran,oo barwaaqo ah bad iyo bari iyo beerba iyo xoolo nooc walba leh.dadkeena soomaaliyeed ma nihin dad aad ubadan sida wadamada qaar.Sow hadaba lama oron karo dalkeenu waligiiba mahelin dad inoo kacay oo bud dhigay qorshe ah sidee dadka soomaaliyeed u noolaadaan hada iyo aayaha? sidee ku ahaadaan soomaali ah dawlad oo ilaashata dalkeeda iyagoo soomaali ah oo mid ah.sidee dadka soomaaliyeed loo tusaa cadawgooda iyaguna u ahaadaan ul iyo diirkeed? dalkeena sideen uuga ilaashanaa shisheeyaha? suaa lahani qorshay rabaan kuna iman karaan.

Dalkeena maxaan rabanaa in uu ahaado aayaha dal noocee ah? Sidadkeenu hormar ugaaro soomaaliyeed sideen ku gaari karnaa in qofka soomaaliyeed helo shaqo waxa kasoo gala uu si fiican uugu noolaan karo.sideen ku gaarnaa in qofkasta oo soomaaliyeed helo tacliin iyo dawo iyo amaan iyo quutul yoon kiisa oo aan muran galin waayo dalkeenu waa barwaaqo waana gaari karaa.waxaynu awoodnaa horana u awoodnay in aynu helo dhaqaale iyo wax soosaar  keena in qofkasta oo soomaaliyeed dalkiisa gudihiisa ku helo guri,dawo,tacliin,shaqo,amaan,laakiin cid ufikirtay ayaan jirin oo qorshaysay in lagaaro heerkaa.waa gaari karaa laakiin qorshay rabtaa.

Waxaa aad ii dhibay wax laga murugoodana ah in qof soomaaliyeed qarniyaal oon u dhinto oo uusan haysan biyo uu cabo, in qarniyaal iyo qarniyaal dadka soomaaliyeed gaajo darteed u dhintaan oo wax uu cuno waayay isagoon qabin wax cudur ah.waa biyo iyo cunto la aan.Hadaan hada caroodo oo furka tuuro oo gafuurko buuro oo aan iraahdo illahaay baa sidaa noogalay oo naga eexday waa danbaabayaa,waxaana taa badalkeeda ku shukriyayaa in illahaay soomaaliyeey inoo roonaaday oo ina siiyay wax uusan siin dadbadan oo aduunka ku nool,oo ah dhul barwaaqo ah ayuu ina siiyay leh wabiyo durduraya,leh lababadood oo khayraad dhex buuxo,xoolo geel iyo lo iyo ari  kolkaa illaahay waa inoo roonaaday.Waxa heerkaa ina gaarsiiyayna waa qorsho la aan mana aynaan helin waligeenba rag inoo kaca oo inoo qorsheeya sidii aynu unoolaan lahayn.

Qasab maha dadka oo dhami inay wax gartaan laakiin waxba mahayno.waxaad ogaataan soomaaliyeey maalinta qiyaame in layna waydiinayo inaga soomaalida ah dhulkii iyo nicmadii aan idin siiyay maxaad ku samayseen? waxaan qabaa waa caqli xumo iyo qorshe xumo in qof soomaaliyeed baahdo oo oomo biyo waayo dhulkeena oo barwaaqo ah.waxaan qabaa waaba danbi arinkaan aan ku jiraa.noloshu maha dawarsi ama tuuksi iyo waxaaga oo aad arki waydo.

Ceebteenii iyo hadaan sheegay barta aan ka liidano waxaan raacsanayaa talo iyo xal biloow ah.

Waxaa laynaga rabaa shacabka soomaaliyeed dal iyo dibadba uugu horayn in aynu taageero dawlada maxaa yeelay dawlad macnaheedu waxaa weeye nolol, hadaan dawladi jirin macnaheedu waxaa weeye qorshe majiro mustaqbal majiro hade waxaan ka hadalaba malaha.dawladi maha qof iyo gobol iyo qabiil dawladi waa sharafka guud iyo danta guud iyo jiritaanka guud ee umad iyo dal leeyahay.MAQNAANSHO DAWLO waa waxaan diinteena islaamka ahi ogolayn oo ay ka digtay,waa wax ilbaxnimada aadanaha iyo hormarkiisu aanu aqbalayn dawlad la aan.Kolkaa waa ku qasbanahay in aan taageero dawladnimada hadaynu wax kasayno.

Dadkeena waxaa isaga khaldan dawladnimada iyo shaqsiyaadka kolkaa xili go an haya shaqada loo igmaday.Shaqsigu waa inayr waxa uu kuu hayo shaqada aad u dhiibatay madaxwayne iyo raysal wasaare iyo wixii lamid ah,wayna kaa tagayaan mana aha maanta oo dhan iyaga uun lagu mashquulo waa in caqligaagu intaa ka kobocsan yahay oo dhaaf siisan yahay.dawladnimadu waxaa dantaadii guud oo aad la aanteed noolaan karin oo ah inaad u dhimato oo aad ilaashato.arimaha aan shaqada isku lahayn mid walba siiya miisaankeeda iyo siday ukala culus yihiin.

Dawlada markaynu taageero waxaynu ku xijinaynaa in dawlad iyo shacab isugu tagno AMAANKA.waxa u horeeyaa waa amaanka dalkeena oo lasugaa markaa yaan loo kala harin weeye.dawladii iyo amaankii markaynu helo qorshe wayn ayaa inala gudboon oo ah 3 shirkadood in aynu samayno oo leh wax soosaar dalka ku filan iyo shaqo dadka soomaaliyeed helaan.waa in dawladu maal galisaa sadexdaas oo kala ah.

1.KHAYRAADKA BADA

2.KHAYRAADKA BEERAHA

3.KHAYRAADKA XOOLAHA

Dawladu waa in ay maal galisaa 3 daas,kadibna waa in lahelaa miis cunto oo ciidamada iyo shaqaalaha dawladu ka helaan cunto kulul oo ah lacag qofka laga jarayo bishii oo u dhiganta sidii wax lacag la aan oo kale ah aad u yar.iskoolada miis cunto oo ah lacag la aan si caruurtu u fahmaan casharka loo dhigayo una helaan nafaqo iyo qado kulul oo la qorsheeyay korinta jirka ilmaha.markaa qoyskii qureec iyo casho unbuu karabaa qoyska ilmuhu. isbitaalada miis cunto oo lacag la aan ah waa in uu jiraa.waxa kale waxaa laga iibinayaa dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

3 gobol dawladu ha maal galiso midkiiba waxaa kufilan 4malyan oo kaliya,oo marka hore ah kaluumaysiga iyo beeraha,waa gobolka hirshabeele shabeelada dhexe,koonfur galbeed shabeelada hoose iyo jubaland jubada hoose.qaabka aan wax u qorshaynayo miisaaniyada iyo waxa la xariira iska daa waayo aqoonteeda malihi ee u jeedkayga ka raac oo ah in lasameeyo maalgalin iyo waxsoosaar.sidee loo qaban cid baajirta leh aqoontaas oo dhamaystiran.

Waxay ilatahay hadaysan dawladu haynin miisaaniyadii maal galin,in ay samayso qorshe ah in ay la kaashato dawlad saaxiib ah oo inaga caawisa 3 daa hay adood ee wax soosaar ee dalkeenu hodanka ku yahay.nina kaligii ma taagnaan karo saaxiib waa lagama maarmaan,waxaana maanta inoo heelan dawlada TURKIGA oo leh aqoontaan aan u baahanahay.haynoo qabteen maal galintaan dadka soomaaliyeedna ha u shaqo tago  bada ama beerta ama xoolaha.waxaan qabaa in baahida dalkeenu aysidan ku dabar gu i lahayd.Turkiga cilmiga iyo shaqadan ka baran lahayn bahidana waa reebi lahayn. waa in waro iyo ceelal laga qodaa gobolada meel walba oo biyo lahelaa.

Uma baahnin lacag kaash ah waxaan u baahanahay mashaariic waa wayn oo beeraha ah iyo kuwo xoolaha ah iyo kuwo kaluumaysiga ah oo kufilaada dalka gudihiisa kadibna markay inaga bataan aan dibadaha u dhoofino.hadafka aan usocdaana waa in qofkasta oo soomaaliyeed helaa biyo iyo cunto kufilan noloshiisa.waxba manoqon karo iyo xor inta dadkeenu u dhimanayaan oon iyo gaajo.dawlada iyo aqoon yahanka soomaaliyeed wax garadka iyo mufakariinta soomaaliyeed war bal hala fariisto oo halaga jawaabo sidee qofka soomaaliyeed u helaa biyo iyo cunto?

Qarniyaal ayaan baahi kusoo jiray oo awoowyaasheen u dhinteen oon iyo gaajo hadana u dhimanayaan oo aan aragnaa hadaba ma sidan unbaynu kusii jiraynaa qarniyaalkale oo jiilasha inaga danbeeyaana sii ahaanayaan? waxay ilatahay in aynu wax is waydiino oo fakaro.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE