Dhageyso Falan Qeyn Maxay Tahay Sababta Dhaqaalaha Looga Jarey Maleeshiyada Beeleedkii Uu Ciidameeyey Xasan Sheekh Xiligii Uu Talada Haayey

Ciidamada ka diiwaan gashan Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa sanadihii lasoo dhaafey loo diiwaan gelinaayey qaab beeleed iyo qaab kale oo aan sharciga Ciidanka caalamiga ah aana waafaqsaneyn.

Maleeshiya beeleed kasoo kala jeeda Gobolkada Galguduud iyo Shabeelada dhexe oo lagu baahiyey Guutooyin leysku darey oo loo bixiyey magaca Qeybta 12-ka Abriil ayaa dhowrkii sandood ee lasoo dhaafey dagaalo barakicin iyo dhul boob ka wadey Gobolka Shabeelada hoose.

Maleeshiyaadkan ayaa waxa la qarameeyey intii dalka ay ka jirtey dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, weaxaana lagu qanacsanaa qaab musuqmaasuq iyo dhibaatada baahsan ee ay ka wadeen deegaanada qaar ee laga howl geliyey.

Baaritaano dheer ka dib waxa lasoo saarey warbxin dhab ka hadal ah oo sheegeysa musuqa iyo qaab darada ay ku dhaqaaqeen Maleeshiyada sida sharci darada ah lagu ciidameeyey.

Barnaamijka Faaqidada Todobaadka wuxuu ku saabsanyahay, saameynta ay yeelan karto go,aanki uu Mareykanka ku gaaray inuu hakinayo kaalmadi uu siin jiray maleeshitada qeybta 12-ka Abriil.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE