Dilal Qaabab Cusub Ah Oo Ka Bilowdey Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose waxa gacanta ku haaya Maleeshiyo beeleed si qasab ku maamula degmada, islamarkaana qaata lacago baad ah oo ay ku sheegaan Canshuur.

Waxa degmada ka jira Maamul maqaar saar ah oo awood buuxda u laheyn talada Maamulkiisa, iyadoo xilliyada qaar ay dhacaan falal lagu sheego in amniga lagu xaqiijinayo hase ahaatee lagu beegsado dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan.

Maalmihii lasoo dhaafey ayaa degmada waxa ka bilowdey dilal qorsheysan oo loo fuliyo qaab cusub oo la yaab ku noqdey Shacabka Afgooye, mana jirto arimahaas cid wax ka qaban karta.

Dilalka qaabka cusub ah ayaa la sheegayaa in ay fuliyaan dhalin yaro hab beeleed u carbisan laakiin qaababka dilalka ay u fuliyaan u eg toogashada Shabaab gaar ahaan kuwa loo yaqaan Amniyaadka.

Dadka kasoo horjeeda Maleeshiyada xoogga ku joogta Afgooye iyo sidoo kale dad kale ee ka hadla Warbaahinta ayaa xilliyada habeenkii sida la sheegey loo diraa wiilal dhalin yara ah oo u qaabeysan qaababka Amniyaadka Maleeshiyada Alshabaab.

Waxaan dilalkaas marka ay dhacaan ka dib goobtasi gaara Ciidamo kale oo tuuteysan oo qorshaha qeyb ka ah kuwaas oo baaritaan aan micno badan ku fadhiyin sameeya, oo markii dambana dib ugu laabta saldhigyada ay joogaan.

Tan iyo sanadkii 2012-kii degmooyin badan oo ka mid ah Gobolka Shabeelada hoose oo gacanta u galay maleeshiyo beeleed labisan dareeska Milateriga Soomaaliya, waxa ka taagnaa dhibaatooyin badan oo aan lasoo koobi karin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE