Horjoogayaasha Alshabaab Oo Isaga Baxey Deegaanka Kuunya-Barow Ee Koonfurta Gobolka Shabeelada Hoose

Deegaanka Kuunya Barow oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose ayaa seddaxdii sano ee lasoo dhafaey wuxuu xarun u ahaa horjoogayaasha maleeshiyada Alshabaab ee ka howl gala Koonfurta Soomaaliya.

Deegaankan oo ku dhow xadka Shabeelada hoose iyo Jubada hoose ayaa waxa ku yiilay xarumaha waaweyn ee Shabaab ee laga maamulo Gobolada koonfureed, waxaana ku sugnaa horjoogayaal sar sare.

Bilooyinkii lasoo dhaafey ayaa horjoogayaasha sameeyeen dib u gasrasho, iyadoo aanay jirin dagaal toos ah oo halkaas ku socda, hase ahaatee ay timid cabsi kale oo meesha ka saartey inay sii ahaato xarun xafiisyo ay ku yaalaa.

Xaasaska iyo Caruurta ayaa la sheegayaa in loo wareejiyey Gobolka Jubada dhexe oo degmooyinkiisa ay wada joogaan Maleeshiyada Alshaab, halka dumarka qaar loo direy deegaano ay gacanta ku haayan Ciidamada dowladda.

Arintan ayaa sida la sheegey ka dambeysey ka dib markii ay soo bateen duqeymaha iyo weerarada lagu beegsanaayo horjoogayaasha Shabaab oo dhibaato iyo Nolol la’aan ku haaya Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan koonfurta Soomaaliya.

Warar la helaayo ayaa sheegaya in xarumaha Ciidamada sida Saldhiga iyo goobaha kale ay joogaan Ciidamo tira yar oo qaarkood loo diidey inay isticmaalm Mobelada gacanta, cabsi laga qabo in la beegsado darted.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE