Ra’iisalwasaare Khayre Oo War Kasoo Saarey Warkii Kasoo Baxey Dowladda Mareekanka, Sheegeyna In Uu Jiro Is Faham Labada Dhinaca Ah (Video)

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay hakinta dawladda Mareykanka ee gargaarkii ay siin jirtay qeyb kamid ah ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Is-afgarad dhex-maray dawladaha Soomaaliya iyo Mareykanka uu sababay in si kumeel gaadh ah loo hakiyo mushaar bixinta qaar kamid ah ciidamada Xoogga dalka.

Ra’iisalwasaaraha ayaa tilmaamay in dawladdu ay ka shaqeynaysay in muddo ah sidii loo dhaqangelin lahaa nidaam ku dhisan iska xisaabtan iyo daahfurnaan, isla markaana ay dalalka caalamka ee taageera Soomaaliya ku qanceen. Iyadoo tani ay cadeyn u tahay warbixintii ay dhowaan soo saartay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) oo muujisay sida ay nooga go’antahay inaan dib u habeyn ku sameyno hay’adaha dawladda iyo daahfurnaanta maamulka maaliyadda dalka.

“Annaga oo taas ka duuleyna waxaan hirgelinay in ciidankeenna lagu diiwaangeliyo qaab casriyeysan oo electronic ah kaasoo ka hortagaya in la musuqmaasuqo dhaqaalaha ay dowladda ku bixiso ciidamada iyo gargaarka amni ee aan ka helno dalalka saaxiibada nahay”.Ayuu yiri Ra’iisalwasaare Khayre oo intaas raaciyey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE