Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Midowga Afrika Ee AMISOM Oo Booqdey Saldhig Ciidan Oo Ku Yaala Degmada Nambara 50 (Sawiro)

Saraakiil ka tirsan qeybta howl gelinta Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa booqasho ku tagey Saldhig Ciidan oo ku yaala degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose.

Abaan duulaha Ciidamada AMISOM gaar ahaan guutooyinka 18, 19 iyo 20aad oo ay wehliyana saraakiil kale ayaa tagey Saldhiga Ciidamada ay ku leeyihiin degmada Nambara iyo tiro ka mid ah difaacayada Ciidamada ay ku hor fadhiyaan Cadowga Maleeshiyada Alshabab.

Saraakiisha ayaa ku guur galeeyey sidey u shaqeeyaan Ciidamada Nambar 50 jooga oo awood buuxda u yeeshay in deegaanadooda ay ka difaacaan maleeshiyaad shaarar badan xiran oo garab u ahaa kooxda Alshabaab.

Dhinaca kulamo dhex marey Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo Maamulka oo dhinac ah iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa looga hadlay arimo ay ka mid yihiin sidii loo heli lahaa qorshe mideysan oo laga yeesho dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Maamulka Nambar iyo Ciidamada dowladda ayaa codsadey in laga gacan siiyo hubka iyo sahayda si ay uga daalin dagaalada Shabaab, waxaana sidoo kale ay balan qaadeen in ay diyaar u yihiin tab kasta oo cadowga lagula diriri karo.

Maalmihii lasoo dhaafey ayaa degmada Nambara 50 waxa isaga daba laalaabaneeyey Saraakiil isugu jirta ajaanib iyo Soomaaliya, waxaana ay doonayaan sida la sheegayo in Ciidamada Nambar 50 qeyb muhiim ah ka noqdaan hujuumka lagu qaadayo maleeshiyada Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE