Sheekhii Umada Soomaaliyeed Oo Ay Shirqoolayaan Kooxda Dawlad Diid Ka Ahi

Waa caalim diineed oo kamid ah culimada uugu waawayn ee hada nool ee soomaaliyeed,waxaa laga yaqaan dalka soomaaliya oo dhan iyo guud ahaan dunida islaamka.Waa khabiir ah ruug cadaa oo leh hami diineed iyo hami soomaalinimo oo sare.waa daaci waxbaray kuman yaal soomaaliyeed waana adoon alle yaqaan ah oo dhawrsoon.Shiikhu waa caalim waana indhool hayeeshee waxa uu leeyahay indha asalka ah ee ka arka meel aad u fog wax ee ku yaal qalbiga marka sheekhu waxbuu arkaa hadaad sidaa ii fahanteen.indhaha noocaa ah illaahay waxa uu siiyaa adoomadiisa uu jecel yahay ee ah awalida ah muuminiinta.

XAFIDULLAAH SHEIKH NUUR BAARUUD GURXAN

Sheekhu waa wadani ehlu iimaan ah qona ma ahaankaro muumin khaalis ah haduusan jeclayn baladkiisa iyo dadkiisa.lama kala qaadi karo wadaniyada iyo diinta waa hal,qofka muuminka ahi ma caasiyo dalkiisa iyo dadkiisa mana dayaco sida kuwa faajiriinta ah ee ah dawlad diid daba dhilif ah oo shisheeye had iyo jeer u raran.Maanta markii la arkay dalkii soomaaliyeed oo helay madax wayne aqlabiyad lagu doortay oo shacabka soomaaliyeed ku qanceen dal iyo dibadaba in Mudane muxamed ibnu cabdullahi farmaajo noqdo madaxwaynahooda iyo hogaa miyahooda. kadibna laysku duubmay dawlad iyo shacab oo la noqday ul iyo diir ayaa cadawgii dawladiid la soo baxay midabkiisii runta ahaa.

Niman qabiil ah hadan sheeganaya siyaasiyiin oo u adeegi jiray gumaysiga ilaa intii burburku jiray oo la ogayahay jariimooyinkay qabaan ee ay ka geesteen mogdisho ayaa hada dalka kawada kicin qabiil iyo layn dadka wax garadka ah iyo culimada oo ah hawl ay hore u fulin jireen hadana ay soo celiyeen.waxay hada u dhigiyaan shirqool iyo dhagar ay la damacsan yihiin culimada diinta oo uugu horeeyo sheekh baaruud.nimanka oo kala ah cabdi shakuur iyo fiqi iyo odowaa iyo mahad salaad ayaa soo qaatay mashaariic cusub oo carabi bixisay oo lagu laynayo marlabaad dadka soomaaliyeed ee wax galka ah shalay dad bay ka qorsoonayd dadna waa ogaayeen laakiin maanta illaahay baa fashilay oo banaankay iskeeneen.

Dhiibidii qalbi dhagax waxay ku dareen in sheekheeni waynaa xafidullaah shekh baaruud shirqoolaan oo la dilo.arinkan maha mid la aqbali karo waxaana sheekha loo maagay in uu daacad u yahay in dalkiisa iyo diintiisa uu difaacdo oo uu uguntado dalkani in uu kabaxo fawdada iyo dawlad la aanta.qooxdan dawladiidka ah ee maanta si bareer ah dalka uuga wada iyo mogdisho kicin iyo iska horkeen dadwayne kicin iyo iska horkeen shacabka iyo dawlada oo qandaraas ku soo qaatay in soomaaliya lagu celiyo dagaal qabiilo iyo kooxaysi waa in dadka soomaaliyeed meel uuga soo wada jeed sadaan oo layska qabto cadawgan ah dawladiid maafiya ah oo dadkeenii iyo diinteenii gadanaya.

Maxaa inoo haray hadii sheekhii umada soomaaliyeed loo soo dhigtay oo la rabo in soomaali horteed cadawgu ku cuno hilibkiisa.shacabka mogdisho oo kasoo kabtay dilkii iyo dhicii iyo qaraxii iyo qabiilkii oo helay nabad iyo soomaalinimo iyo dawladnimo ayaa la rabaa in laga kala daadiyo oo dib loo celiyo mataasaan qaadan karaa oo aqbali karaa soomaaliyeey. waxa waxan samaynayaana waa dadkaa dawaldiidka ah ee inagu dhex jira oo hada is cadeeyay. sheekh baaruud maha nin mansab doon ah maha nin damac aduun ku jira sheekha hadafkiisu waa cad yahay ileen waa nin wayn oo leh cilmi qaali ah oo wax ka arkaya meel fog,waxa uu doonayaa in uu arko soomaaliya oo ah dawlad ah nabad oo u nool cadawgeeda markaasuu diinta barayaa dadkiisa oo leh maxkax xasiloon sidee wax loo bari karaa qof dagaal iyo cabsi iyo dawlad la aan ku nool? muxuuse baran?

Sheekhu qiimaha dawlad nimada iyo nabada ayuu garanayaa.sheekhu waxa uu dhawran waayay dadkiisii iyo dalkiisii oo sidan ah oo cadaw kusoo duulay.kuwa hadaba hada ku ah wareerka waa in aan ka difaacnaa sheekha wana waa jib saaran qofkasta oo soomaali ah dawlad iyo shacaba.

Waa wax laga yaqyaqsado in mooryaantaa dawladiidka ah ee lagaranayo ay maanta sheekhii umada soomaaliyeed mogdisho oo ah caasimadii umada soomaaliyeed loogu hanjabay lagana sheegtay tana waxay horseed u tahay in soomaali dib uugu laabato arimaha caasimada maadaama ay magaalooyinku badan yihiin qaarna hadaba u heelan yihiin arinkaa soo dhawaynta caasimad cusub.sheekh baaruud halka lagu yiri cagaha ka qaad mogdisho umadaan dhalan ee waa arin taariikhda gashay! waxaana halkaa ka cad in shacabka mogdisho arintaa ka gadoodi waayeen oo ka dagaalami waayeen taasoo soomaali u cadaynaysa in ay la qabaan fikirka dawladiidku wato.arimahan iyo kuwo lamid ah ayaa abuuraya oo keenaya in wax layska waydiiyo caasimad soomaaliyeed?

Dawlad diidku oo ah nimankan aan sheegnay iyo inta raacsan hadafkoodu maha wax kale waa cabdu diinaar cabdu doolar oo kaliya waxkasta shilin buu dhaaf sanayaa.malaha sharaf iyo han siyaaso iyo qiimo kale midna,waa adeegayaal shisheeye u raran.hada waa wada aragnaa in carabtu xoogaa soo siisay waa cadaan loo wada jeedo waxay mogdisho kawadaana waa aragtaan ee loo soo dhiibay in ay fuliyaan.waxaan hubaa ninkaa awliyada illaahay ah ee habeen iyo maalin quraan akhris iyo salaad u taagan iyo tasbiix ninkii mudmudaa walee inuu meel xun ka dhici iyo boholo shaydaan aduunka korkiisa uu ku arki calaamo wayn.sheekhu hor ilaahay ayuu usocdaa oo waajib diiniyan ah ayuu gudanayaa maha siyaasi iyo mansab doon waxa uu doonayana waa dadka iyo dalka soomaaliyeed oo hela dawladnimo iyo cizi iyo karaamo oo ah walaalo gacmaha is wada haysta.waxa uu doonayaa in aan ku dhaganaano diinteena dawladeena xajisano.ninkaa daacada ah ninkii durayoow ka noqo oo illaahayna waydiiso toobad keen sheekhana raaligalin waydiiso iyo cafis kana waan tooba dawladnimada soomaaliyeed ee aad hortagan tihiin sodonka sanadood maadaama aad aragtaan in dawladani dhaqaaqday oo socotay.

Sida loola dhaqmay sheekha soomaaliyeed sheekh baaruud xafidullaah waxay ka caraysiisay malaayiin soomaaliyeed oo ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.aadna waa uga xunahay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE