Soomaalidii Ugu Badneyd Oo Lagu Laayey Dhul Is Maamulka Oromada Itoobiya

Ugu yaraan 72 qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay xadka ay wadaagaan dowlad deegaanada Oramada iyo Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxaana dilay ciidamada la sheegay inay yihiin kuwa ay leedahay deegaanka Oramada.

Dadka la dilay ayaa ku wada sugnaa hal meel, oo markii hore loogu sheegay in lagu Sugayo Amnigooda, Waxaana la sheegay inay soo weerareen ciidamada Oromada kadibna ay laayeen, kaddib markii ciidamada Liyuu Boolis deegaanka Soomaalida ay isku dhaceen Askar ka tirsan ciidamada Oromadda.

Madaxa Warfaafinta deegaanka bariga Harerge ee dowlad gobolleedka Oromada, Cabdirisaaq Maxamed oo la hadlay laamaha Itoobiyaanka ee afafka Oromada, Tigreega iyo Axmaaradda ee VOA, ayaa tiradea dadka dhintey ku sheegay 14 qof.

Meesha ay dadkaan la laayay ay ku suganaayeen ayaa aheyd goob horay ay kaga jirtay Cabsi, waxaana la sheegay in dadkaasi ay waardiyeen jireen ciidamada Xoogga dalka Itoobiya, Iyadoona Horaantii sanadkan ayuu bilowday isku dhacyadda u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromadda, waxaana ay iska dileen dad badan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE