Wabiga Shabelle Oo Mar Kale Biyaha Yareeyey Iyo Cabasho Xoog Leh Oo Kasoo Baxeysa Beeraleyda Shabeelada Hoose (Sawiro)

Wabiga Shabelle oo mara qeybo badan oo ka mid ah Gobolada Soomaaliya ayaa deegaanada qaar waxa ka taagan biya yaraan xoogaan.

Biyaha Wabiga oo inta badan ay ku tiirsanyihiin Beeraleyda Shabeelada hoose iyo beeraaleyda qaar ee dalka ayaa xilligan waxa soo wajahdey biya la’aan iyadoo dalaga kala duwan uu beeranyahay.

Degmooyinka Qoryooley iyo Janaale oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Shabeelada hoose oo si aad ah looga soo saaro dalaga ayaa waxa la sheegayaa in wabiga biyahiisa uu aad u yareeyey.

Biyaha uu wado Wabiga ayaa Beeraaleyda ay sheegeen in aanu ku filneyn waraabka, oo ay adag tahay in kanaalada ay Biyo qaadaan sababtaas oo lagu sheegey in Biyaha Wabiga ay aad u hooseeyaan.

Warar qaar la helaayo ayaa ku waramaya in Wabiga laga xirety degmooyin ku yaala Shabeelada dhexe iyo deegaano ku yaala Hiiraan oo uu soo maro.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE