Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Oo Magaalada Muqdisho Ku Daah Furey Shirka Dhalinyarada Soomaaliyeed (Sawiro)

Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Shir uga Furmay Dhalinyarada Soomaaliyeed oo isaga yimid Guud ahaanba Gobolada dalka ee Waqooyi iyo Koonfur, waxaana Furitaanka Shirkan kasoo qayb galay Ra’iisalwasaare Khayre, Xildhibaano, Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan dhalinyarada oo safarkeedii ugu horeeyey ku timid Soomaaliya iyo qaar kamid ah danjireyaasha caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Ra’iisalwasaare Khayre ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysa wuxuu u jeediyey Dhalinyarada Soomaaliyeed, Isagoo sheegay inay isaga yimaadeen Raaskambooni Ilaa iyo Lowyo-caddo inta u dhaxaysa, wuxuuna xusay  in maanta laga tagay Qabyaalad iyo Qarandumisnimo. “waa laga gudbay waqtigii qabiilka iyo qaran dumiska “ Ayuu yiri.

Ra’iisalwasaaraha ayaa sidoo kale soo dhaweeyey sii deynta qeybtii labaad ee maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalalka Seychelles iyo Ethiopia oo kamid yahay Wariye Boqorka Bartamaha, isla markaana xukuumaddu ay sii wadi doonto dadaalkeeda inta qof Soomaali ah xiran yahay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE