Soomaaliland Koonfur Bay Yimaadeen 1960 Kii Dawlad Baa Dhalatay Maanta Koonfur Matagaysaa Somaaliland Si Dawlad Soomaaliyeed U Dhalato Markooda

Kadib markii dawladii dhexe burburtay,dadkii soomaaliyeed ee kasoo jeeday gobolada waqooyi galbeed ama deegaanada loo yaqaan somaliland ee ingiriis haystay xoriyadii ka hor.waxay dhisteen maamul iyo hanaan dawladeed oo qiimo badan kaasoo ay ku xasiliyeen nabada dagaankooda iyo dadkooda.waxay dhisnaayeen mudo ku dhaw 30 sanadood oo ahaayeen kuwo iskood isu maamula oo leh amaan iyo kala danbayn in kastoo aysan helin aqoonsi dawladeed oo caalami ah.waxay ku dhawaaqeen inay la soonoqdeen oo ka baxeen israacii hore ee 1960 kii ay koonfur ku darsadeen.waxayna tirsadeen in aan isku darsigii lasiin xuquuqdooda xiligii Aaden cade oo la duudsiyay taasoo dhab ah aan la inkiri karayn.Soomaaliland waa dad soomaaliyeed oo afka hooyo hodan ku ah oo leh suugaan iyo gabayaa caan baxay.waa dad maskax furan oo hal abuur leh waa dad garanaya macnaha dawladnimada iyo jiri taanka umadi leeyihiin.

Soomaali land,iyagaa shalay yimid koonfur iyo MOGDISHO oo mideeyay soomaali,waxaase helay caruur talyaani rabaayadaystay oo la cararay wixii soomaali ka dhaxeeyay,in kastoo mardanbe uu Madaxwayne Cabdirashiid cali sharmaarke arinkii daba qabtay oo arinkii Aaden Cade khiyaameeyay uu dib ka saxay isagoo miisaankii soo celiyay oo iska diiday in laba koonfur ahi kala noqdaan madax wayne iyo raysal wasaare isagoo kolkaa cigaal ka dhigay raysal wasaare.Sharmarke oo ahaa nin maskaxfuran ayaa wax caymiyay.

Waxaan oran karaa wax kastoo loo geeystay ama ay ka tabanayaan koonfur dadka reer soomaali land waa la xalinkaraa dhan kooda oo waa dad ay ku wayntahay soomaalinimada iyo sharafta oo leh han iyo qab sare oo soomaalinimo.kumana faraxsana kala qaybsanaanta iyo halka maanta dalkeenu yaalo kaasoo ay iyagu shalay mideeyeen.kol haday sidaa tahay waxaa haboon in koonfuri markeeda la timaad wax wayn oo la taaban karo oo isu keeni kara marlabaad somaliland iyo koonfur oo midooba.

Waxaa hadaba guul ah in aysan arinkiiba inagu adkaynin walaaladeen somaliland oo ay diyaar u yihiin midnimo balse si ay u hubiyaan uun bal in ay midnimadu daacad ka tahay koonfurta soomaaliya iyo in kale bal horta koonfuri markeeda ha timaad somaliland oo caasimda hala keeno somaliland gaar ahaan deegaanka gobolka sanaag oo ah dhul aad u quruxbadan hawo macaan leh ahna meel istaraatiijo ah dhan walba oo ku haboon caasimada cusub ee soomaaliya.Arinkan cusub waa fikirkii uugu haboonaa uuguna dhibka yaraa oo loosoo jeediyo dadka soomaaliyeed ee walaalaha ah.waxaa hadaba muhiim ah in koonfuri arinkaa hadal galinin ee loo guuraa halkaa.

Koonfuri suuro gal maha in ay diido in somaliland ka godo soomaaliya oo noqoto dawlad madax banaan oo ay sababka dhigeen in la rabo wada jirka iyo soomaalinimada oo aysan farax galinaynin kala go aasi.Laakiin in maanta markeeda koonfuri tagto somaaliland in laga war wareegto hadana ma ogoli in aan kala gono meel isma galaan.markaa laba mid uun weeye in caasimada lageeyo soomaaliland shardi la aan iyo hadii aan la doonayn faraha laga qaado goni usataagooda. waan ku rabaa kumana rabo suuro gal maha waa khiyaanadii shalay uun.

Waxaan qabaa somaliland taladan ay keentay in ay tahay waajib in la raacaa.waana fursadii soomaali ku bad baadi lahayd oo cadaw geeda dibada iyo gudaba kaga gulaysan lahayd.waxaan ka cod sanayaa madaxwaynaha farmaajo iyo dawlada soomaaliyeed kuligoodba in ay fudu deeyaan oo dadajiyaan arinkaas oo ah bad baado soomaaliyeed.waxayna noqonaysaa tariikh in somaaliland bad baadisay dalkeeda soomaaliya marlabaad.

Waxaan diiniyan iyo aqliyanba haboonayn oo xaaran ah in qof walaal ah la xasdo.Mogdisho dadkeedu maha in ay xasdaan uun illaa qiyaame walaalahood soomaaliland.maha in ay hor istaagaan afkaartan cusub ee saliimka ah.soomaaliland waa uugu mahad celinayaa in ay keenaan fikirkaan walaalnimo iyo midaynta dalkeena ah ee qaaliga ah.waana gar nin diiday caasimadii halkan iigu kaalay oo waliba isaga bad baadadiisa ah ileen sida uu yahay waa aragnaayoo madaxwaynihiisii ayaa lagu wadaa kaare amisom leedahay ee halkan ayuu ku shaqayn lahaa isagoon ajinabi ilaalin iyo kaare amisom midna.Kolka ninka intaa iiday, gar bay noqon cid diidi kartaan jirin in somaaliland go do oo dawlad la aqoon san yahay noqoto waa gar cad sidaasayna u dhacaysaa.

waxaan leeyahay arintaa yaan la lumin waa fursad dahabi ah oo laba dhanba soomaali uugu fiican oo ah waa maree dawlad baa laheli shaqaysa si buuxda indhaha caalamkana soo jiidata dalkeenuna yeelan kala danbayntii iyo hanaankii dawladnimo buuxda. waa marka labaad ee soomaaliland iyo soomaaliya ayaa dib u midoobaya oo wada jiraya iyana guul la baad.markaa sina in loo lunshaa fursadaan maha waana ku mahad sanyihiin somaliland damiirkaa iyo bad baadinta qarankii soomaaliyeed ee hoga ku dhacay.

Maanta majirto dawlad afrikaan ah,ama carab ah,ama reer galbeed ah oo ku doodi karta somaliland dhulkeedu nabad maha oo nidaam malaha? Magaalada hargaysa amaan malaha oo dawlad lama gayn karo cid orankartaa majirto,ceer gaabo gobolka sanaag nabad maha qof oron karaa majiro.dawlad kastaa waa soo dhawaynaysaa oo aaminaysaa in dalka somaliland dawladi si buuxda ugu shaqayn karto iyadoon loo baahan ciidamo shisheeye oo ilaaliya sida koonfurta soomaaliya. dadka soomaaliyeed badankiisa diyaar bay u yihiin inay ku noolaadaan maago nabad ah oo leh kala danbayn iyo nidaam.waa cadahay in inyar oo dan leey ah diidayso in caasimada lageeyo meel nabad ah intaasna waa laga cod badan yahay aduunyaduna aqbali mayso talo xumadoodaas oo waad ogtihiin.

Laakiin hadaan dadka soomaaliyeed isagu doonayn caasimad cusub oo dawladi ku shaqayn karayso aduunyadu qasab uuga guura ina oran mayso,inagay inagu xirantahay soomaalida ah.waxay ilatahay aduunyada dawlado farabadan ayaa sababo farabadan oo jira awadeed u bashay caasimadii oo uuga guuray mid cusubna dagay waayo hadee dalka ilaahay ku siiyay inaad ku maafacaado oo kolba meel ka dagto ayaa ilaahay kuusiiyay ee hal meel kuma xukunid uun.inaga soomaalida ahna hada waxaa keenaya dhibka mahaysano caasimad dawladi ku shaqayso oo waa aragnaa 30 sanadood. mudadaas dheer hada kahor waxaan garan waynay war badasha caasimada oo kaliya.

Midna waa in la fahmaa caasimadi maha wax reer lee yahay,sheegan karana caasimadi waa heshiis dad wayne iyo codka umada soomaaliyeed meeshay doortaan oo isku raacaan.sidaas ayay shalay ku noqotay mogdisho caasimad soomaaliyeed ee maha waxyi samaawi ah iyo wax cidi cid ku qasabtay ama qasbi karto.soomaaliyeey wax yaabaha aan aqli galka ahayn 30 sanadood kabadan suuro galmaha inay siisocdaan oo ah soomaaliland oo nabad ah leh nidaam iyo kala danbayn heli mayso aqoonsi dawaladeed oo ma ogolin sidaa waligiiba ha ahaado citiraaf la aanta ah; koonfurina ha ahaato caasimad la aan iyo amaan daro iyo nidaam la aan hade waayahay ee sidani ma raganimaa? ma aqlibaa? saw maha in umada soomaaliyeed u noolaadan sida dawladaha aduunka oo helaan dawladnimo iyo kala danbayn?

Hadaba waxay ilatahay in labadaa mashaa kil ee midba gaarkiisa ukala haysta somaliland iyo koonfurta soomaaliyaba xalkiisu in uu yahay hal arin oo labadoodaba dan u ah oo dhibkooda xalinaya waana in ay kaliya helaan somaliland oo caasimada lageeyo(CAASIMAD CUSUB AYAA XAL AH) waxaa daawoobay caasimad la aantii koonfurta haysatay 30 sanadood,somaliland waxay helaysaa dawlad la aqoon san yahay oo buuxda oo soomaaliyeed iyagoo dawlad la aqoon san yahay aan haysan mudo 30 sanadood ah. Aduun yadii oo dhan ayaa inala yaaban!! waxaynu ka dhiganahay sidii nin lacagi jeebka uuga buuxdo oo hadana ka baahan oo garan waayay sidii uu u isticmaali lahaa lacagtan uu haysto!

Waxay ilatahay in soomaalidu miis isugu yimaadaan oo koonfur iyo soomaaliland si dhab ah uwada hadlaan xal rasmi ah oo dawladnimana keenaan.xalkaas oo soomaalida u horseedaya nabad iyo nolol.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE