Dhageyo Wasaaradda Amniga Oo Soo Saartey Amar Culus “Hoteelada Magaalada Muqdisho Malagu Qaban Karo Shirar Kasoo Horjeeda Dowladda Iyo Amaro Kale”

Wasiirka Amniga Soomaaliya  Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo maanta war fidiyeenka kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay shirarka looga soo horjeedo dowladda fedaraalka ee lagu qabto hoteelada.

Maxamed Ducaale ayaa sheegey in aan la aqbali karin in shir leysaga qabto hoteelada magaalada iyadoo aan lasoo ogeysiin Wasaaradda Amniga, waxaana uu digniin siiyey Milkiilayaasha hoteelada.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa si xoogan uga hor yimid shirar lagu duminaayo qaranka oo koox qaswadayaal ah ay ku qabsadaan hoteelada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE