Dhageyso Maxaa Ka Dhaqan Galay Amarkii Hey’adaha Amniga Ee Hub Ku Dhex Wadashada Magaalada Muqdisho

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa 30-kii November 2017 wuxuu soo saaray digniin cusub oo la xiriirta dhanka ammaanka Magaalada Muqdisho, kadib hadal uu siiyay Warbaahinta Dowladda.

Wuxuu ka hadlay hubka Magaalada lagu dhex wato, wuxuuna sheegay inay jiraan masuuliyiin ka tirsan dowladda oo aanan dhaqan gelin amar hore oo ahaa in aanan la wadan karin illaalo Afar Askari ka badan.

Wuxuu sheegay laga bilaabo maalinkaas uu shirka jaraa’id qabtay, dhamaan masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya in laga doonayo inaysan ka xeysan wax ka badan Afar askari oo ciidamada dowladda ah, cidii lagu arkana tallaabo in laga qaadi doono.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE