Dhageyso Maxamed Cusmaan Cali Yariisow “Deegaankan Wasiir Iyo Xildhibaan Uma Maqna Shalay Anagaa Tashanay, Maantana Aan Tashano”

Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali Yariisow oo ka hor hadlaayey Tiro ka mid ah Ciidamada amaanka ee maamulka Degmada Marka ayaa soo bandhigay tallooyin cusub.

Yariisow ayaa marka horey sheegey in uu jiro culeys xoogan oo deegaanka ka saran ndhinaca maleeshiyada Alshabaab oo dagaaladii dhul boobka ee Gobolka ka socdey u bedeshay kuwo diimeed.

Waxa uu Ciidanka ku booriyey inay wadaan dadaalka au ugu jiraan difaaca dalka iyo dadka islamarkaana ay muujiyaan isku filnaasho iyo ad adeyg si loo gaaro hadafka.

Dhinaca kale waxa uu sheegey in sanooyinkii lasoo dhaafey ay ahaayeen kuwo isku tiirsan oo isku tashi sameeyey, taas oo laga gaarey guulo wax ku ool ah oo manta lagu xoreyeey dhul badan oo ka mid ah deeganadii lagu dagaalmaayey.

Waxa cod dheer ku yiri “Xildhibaan ma qabno. Wasiir iyo Siyaasi wax nala wada ma qabno, ee aan isku tashano”.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE