Dhageyso Wasaaradda Amniga Soomaaliya Oo Ka Hadashay Khilaafka Hogaanka Kooxda Alshabaab Iyo Halka Uu Ku Suganyahay Axmed Diiriye

Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa soo bandhigtay xog ku saabsan in uu khilaaf ka dhexjiro hoggaanka ugu sareeya Al-Shabaab,kaas oo sababay qarixii khasaaraha badan geystay ee 14,kii Octoper ee Sanadkaan ka dhacay Isgoyska zoobe ee Muqdisho.

Khilaafkaas ayay Wasaarada amnigu ku sheegtay in uu sababay in qeybo ka mid ah gobolka Gedo uu u baxsado hoggaamiyahooda Axmed Diiriye,Sidaasi Waxaa Warbaahinta u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdi Casiis Xildhibaan,waxa uuna sheegay in saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Shabaab ay la soo xiriirayaan Wadaadka Muqtaar Roobow.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in madax ka tirsan Shabaab ay kulan ay yeesheen ku go’aamiyeen in dil toogasho ah lagu fuliyo hogaamiyahooda ee Axmed Diiriye.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE