Dhageyso Xildhibaan C.fataax Geesey Oo Ka Sheekeeyey Qaabka Ay U Dhacdey Soo Qabashada C.raxmaan C.shakuur

Xildhibaan C.fataax Geesey oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka fedaraalka ee Soomaaliya ayaa ka sheekeey qaabka uu u dhacay howlgalka lagu soo xirey C.raxmaan C.shakuur oo gacanta ugu jira Ciidamada Nabad sugidda qaranka.

Xildhibaanka ayaa sheegey in daqiiqado ka hor uu gaarey guriga C.raxmaan C.shakuur oo ku yaala meel ku dhow Garoonka Aadan Cadde, agagaarka xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegey iyaga oo ku wada jira hal qol ay mar qura maqleen buuq iyo sawaxan uga yimid xaga banaanka, kad ibna ay xigtey rasaas ay isdhaafsanayeen labada ciidan.

Sidoo kale wuxuu tilmamaay in rasaas ay is dhaafsdaeen labada Ciidan dhaawac uu kasoo gaarey C.raxmaan C.shakuur oo xabad ay ka haleeshay sida uu tilmaamey Garabka.

Ciidamada oo guriga usoo daatey ayaa markii dambe amar ku siiyey dadka gudaha ku jira ee aan hubeysneyn in ay banaanka usoo baxaan, waxaana ka mid ahaa dadka banaanka usoo baxay isaga iyo siyaasiga oo sidaa ugu gacan galay Ciidamada Nabad sugidda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE