Dhagyeyso Xeer Ilaaliyaha Qaranka “Waxa Socota Baaris Ku Aadan Mas’uuliyiin Iyo Xildhibaan Qaran Dumis Ah, Qof Walba Sharciga Ayaa Ka Weyna”

Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir oo maanta mar kale shir jaraa’id k uqabtey magaalada Muqdisho ayaa sheegey in ay wadaan baaris lagu sameenayo Xildhibaano iyo Siyaasyiin xilal haay kuwaas oo ku lug yeeshay qaran dumis iyo boobka dowladda.

Dr Axmed Cali Daahir ayaa tilmamaay in Mas’uuliyiinta qaar ay gacmaha kula jiraan qal qal gelinta amniga iyo dowlanimada, waxaana arinkaas uu ku sheegey mid aanay u dul qaadan Karin hey’adaha garsoorka.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa dhinac kale sheegey in qof walba oo muwaadin Soomaaliyeed ah uu ka sareeyo Sharciga, shrcigana uu qabanaayo qof gacmaha kula jira fal dembiyeedyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE