Dowladda Soomaaliya Oo War Kasoo Saartey Xariga C.raxmaan C.shakuur, Sheegteyna In Maxkamad Lasoo Taagayo

Dowladda Fedaraalka ee Soomaaliya ayaa war kasoo saartey xariga habeenkii xalay ahaa lagula kacay Siyaasiga lagu magacaabo C.raxmaan C.shakuur Warsame oo mar soo noqdey Wasiirkii qorsheynta ee xukuumadihii ku meel gaarka ahaa ee dalka soo marey.

Afahayeenka Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomalaiya Cabdicasiis Xildhibaan ayaa warbaahinta u sheegey in dowladda Soomaaliya ay soo qabatey Ninkan oo uu ku jira gacanta hey’adaha amniga ee dalka.

Waxa uu tilmamaay in Ciidamada soo qabashada fuliyey ay wateen warqad ruqsad ah, hase ahaatee waxa uu ka gaabsadey in uu faafaahin cidda warqadaasi jartey, laakiin warar ayaa sheegaya in xeer ilaalinta qaranaka ay kasoo baxdey.

Cabdicasiis Xildhibaan ayaa tilmaamay in Guriga Siyaasigan uu ahaa meel laga abaabulo qaran jabka Soomaaliya iyo afgembi siyaasadeed oo dowlado shisheeye ay ka wadaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in lagu haayo cadeymo kala duwan iyo xogo dheeraad ah oo ku saabsan arimaha uu ku lug lahaa C.raxmaan C.shakuur oo lacago badan kasoo qaatey dowolado shisheeye si loo burburiyo qaranka.

Afahayeenka Wasaaradda Amniga ayaa ugu dambeyn sheegey in Dowladda Soomaaliya ay maxkamad soo taagi doonto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE