Howlgal Qorsheysan Oo Ka Dhacey Magaalada Muqdisho Oo Lagu Soo Xirey C.raxmaan Cabdi Shakuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa rasaas caawa saqda dhexe ka dhacday magaalada
Muqdisho, gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay galeen guriga C.raxmaan C.shakuur Warsame oo u dhow Garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo howlgal amni loogu diray, balse ay kala kulmeen iska caabin.

Wararka ayaa sheegaya inuu C.raxmaan C.shakuur  dhaawac Fudud kasoo gaaray iska hor imaadka, Halka wararka qaarna ay sheegayaan inuu Caafimaad Qabo,   isla markaana ay ciidamadu qabteen, waxaana siyaasiga la wareegay ciidamada NISA oo howlgalka ka fuliyay guriga siyaasiga.

Iska hor imaad socdey muddo toban daqiiqo ah ayaa lagu fuliyey soo qabashada C.raxmaan C.shakuur, waxaana howlgalkaas la aaminsanyahay in uu ka dhashay khasaare kale oo aan weli laga war helin.

C.raxmaan C.shakuur ayaa ka mid ahaa siyaasiyiin mucaaradsan dowladda fedaraalka, iyagoo u adeegaya dowlado shisheeye oo dhaqaale badan ku bixinaya sidii loo ridi lahaa dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE