Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomalaaliya Oo Ku Sugan Wasaaradda Gaashaandhiga Ayaa Kulamo La Leh Saraakiisha Wasaaradda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Ah Ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ayaa booqasho ku tagay Xaranta Wasaaradda Gaashindhigga, Isagoona haatan kulan kula leh Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga Kala Hadlaya Xaaladaha Kala Duwan ee Ciidamada Iyo Sidii loogu Diyaar-garoobi lahaa Duulaamada uu ku dhawaaqay Mararka Badan ee ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab.

Booqashada Madaxweynaha JFS Farmaajo uu ku tagay Xarunta Wasaaradda Difaaca, ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhawaan Dowladda Mareykanku Hakisay Kaalmadii ay siin jirtay Ciidamada Xoogga, sidoo kalena Ra’iisulwasaare kheyre uu sheegay in ay iyagu ka dambeeyeen Joojinta Saadka uu mareykanku siiyo CXD.

Ammaanka xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE