Somaliland Oo War Kasoo Saartey Xariga Cabdiraxmaan Xaaji Daba Casar Oo Xabsiga La Dhigey (Video)

Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa saaka 9kii subaxnimo gudaha ugu galay Hotelkii uu magaalada Hargeysa ka degenaa Cabdiraxmaan Xaaji Dabcasar oo si weyn looga yaqaan baraha Internetka ee bulshada ku sheekaysato sida Facebook iyo Youtube.

Col.Faysal Xiis oo ah Afhayeenka ciidamada Booliiska Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey inay xabsiga dhigeen Cabdiraxmaan Xaaji Dabcasar isagoo ku eedeeyey ninkaasi danbi ciqaabeed ah “Aflagaado Lidi ku ah Qaranimada Soomaaliland”.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE