Wadooyin Badan Oo Ku Yaalla Magaalada Muqdisho Oo Xiran Iyo Baaritaan Hor Oo Saake Socda

Qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa xiran saake ka dib markii halkaas lagu soo daadiyey Ciidamada amaanka qeybahooda kala duwan.

Wadooyinka xiran ayaa waxa taagan Ciidamo aad u feejigan, waxaana ay sameenayaan baaritaano xoog leh, iyadoo gaadiidka qaar ee wadada isticmaali jirey laga hor istaagey in halkaas ay gudbaan.

Ilaa seddax isgoys ayaa xiran, kuwaas oo kala ah Wada Km 4 ee aada dhinaca Garoonka Aadan Cadde, Wadada Zoobe iyo Isgoyska Taleex, waxaana Ciidamada ay fulinayaan baaritaan adag oo lagu baarayo gaadiidka iyo dad weynaha.

Lama oga sababta ka dambysa in wadooyinkan si gaara h loo xiro, iyadoo ay si caadi ah u shaqeynayaan wadooyinka kale ee magaalada Muqdisho.

Habeenkii xalay ahaa ayaa howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidamada Nabad sugidda qaranka waxay kusoo qabteen Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo ka mid ah siyaasioyiin shisheeye kal kaal ah oo doonayey inay xilka ka tuuraan dowladda hada jirta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE