Xogo Laga Helay Xariga C.raxmaan C.shakuur Iyo Arimo Aadan Rumeysan Karin Oo Lagu Arkay Gurigii Uu Degenaa

Habeenkii xalay ahaa ayaa magaalada Muqdisho waxa lagu xirey C.raxmaan C.shakuur oo ka mid ah Siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda fedaraalka ee Soomaaliya, waxaana uu qeyb ka ahaa siyaasiyiin dhaqaale lagu soo siiyey inay dumiyaan dowladda hada jirta.

Ciidamada Nabad sugidda qaranka oo amar buuxa la siiyey ayaa weerarey Guriga C.raxmaan C.shakuur oo ku yaalla wadada aada djinaca Garoonka Aadan cadde.

Xariga ka hor ayaa waxa jira warar sheegaya in dhaawac uu soo gaarey C.raxmaan C.shakuur, iyadoo markii dambe gurigiisa ay la wareegeen Ciidamada NISA oo aad u qalabeysan.

Baaris lagu sameeyey Guriga ayaa la sheegayaa in laga helay lacago  badan oo xad dhaaf ah taas oo keeneysa shakiga badan ee laga qabey siyaasiyiinta xil doonka ah ee ku kacsan dowladda Soomaaliya.

Lacag gaareysa ku dhawaad labaatan Milyan oo doolar ayaa la sheegayaa in laga helay Guriga C.raxmaan C.shakuur, lacagaas ayaa qeyb ka ahaa kuwa loo adeegsanayey qal qal gelinta amniga dalka iyo dicaayado ku abuurka dowladda.

Waxa kale oo soo  baxaya in la helay warqad Ducumenti ah oo ay ku qorneyd shaxda iyo qaabeynta qaska iyo qalqalka Soomaaliya, waana shaki sii abuuri kara danaha shisheeyaha.

Ducumentiga la helay ayaa sida laga soo xigtey Taliska NISA waxa ku qornaa sida loo ridaayo dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo noocyada xilal ee la siin doona siyaasiyiinta ka shaqeenaya danaha dowladaha shisheeye.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE