Xulka Kubadda Cagta Puntland Oo Usoo Baxay Filanka Koobka Maamul Goboleeyada Iyo Gobolka Banaadir

Kooxda Puntland State ayaa iska xaadirisay finalka koobka Maamul Goboleedyada Soomaaliya ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda martida loo ahaa ee Banaadir, iyagoo uga mahadcelinaya gool qurxoon uu u dhaliyay Yacquub Cismaan Maxamed.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro goolal la’aan ah laakiin kooxda Puntland State ayaa fursadaha intooda badan helay una dhawaaday inay shabaqa soo taabtaan qeybtii koowaad ee ciyaarta, laakiin weeraryahankooda Yacquub Cismaan ayaa dhowr fursadood ku qubeystay.

Halka Banaadir ay isla qeybtii hore heleen hal iyo labo fursadood oo fiican balse tii ugu fiicneyd waxa ay aheyd kubad laad xor ah oo uu goolhayaha Puntland uu si fantastik ah isaga bixiyay.

Qeybtii labaad waxa ay ku bilaabatay iyadoo labada kooxood ayaa feejignaan weyn muujinayaan, laakiin markii loo sii dhawaaday qeybaha danbe ayay noqotay ciyaarta mid furantay.

Ciyaarta oo rubuc saac ay ka harsan tahay ayay Puntland State moodeen inay ciyaarta hogaanka u qabteen markii ay kubad madax ah dhaliyeen laakiin goolkaas waa la diiday, iyadoo daqiiqadii ku xigtay ay weerar kale oo ay qaadeen Puntland ay birta ku dhufteen.

Kooxda Puntland State ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 77aad markii xiddiga Mohamed Farah uu kubad halis u dhigay weeraryahanka Yacquub Cismaan Mohamed kaasoo daafacyada Banaadir ka leexsaday kubada islamarkaana shabaqa ku hubsaday, waxaana ay aheyd goolkii labaad ee uu ka dhaliyo tartankaan.

Daqiiqadihii ugu danbeeyay ee ciyaarta kooxda Puntland State ayaa si weyn u difaacatay goolkooda, waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-0 oo ay Puntland State ku garaaceen Banaadir, taasoo la micno ah in kooxda Puntland ay u soo baxday finalka koobka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, halka markii labaad Gobolka Banaadir lagu reebay wareega afar dhamaadka.

Puntland oo difaacaneysa koobkaan ayaa waxa ay finalka ku sugeysaa midkii soo baxa kooxaha Koonfur Galbeed iyo Juballand oo berri ku ciyaaraya garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho.

Sannadkii hore Puntland waxa ay koobka ka qaadeen finalka xulka Jubbaland kuwaasoo haatan semi-finalka jooga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE