Magaalada Kismaayo Oo Uu Ka Furmay Shir Looga Hadlaayo Horumarinta Maaliyadda Dalka (Sawiro)

Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka furmay shir looga hadlayo hormarinta Maaliyadda dalka iyo mideynta canshuuraadka iyo weliba qaybsiga kheyraadka, waxaa si rasmi ah u furay shirkaas wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle

Shirka waxaa ka qaybgalaya Wasiirada maamul goboleedyada dalka ka jira, waxaana laba shir oo noocan oo kale ah horey loogu qabtey magaalada Garoowe.

Shirkan ayaa looga hadli doonaa qaabka loo mideyn lahaa canshuuraha dalka, gaar ahaan dowlad goboleedyada iyo mida ay qaado dowladda federaalka ah, waxaana lagu wadaa in shirka laga soo saaro Warmurtiyeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE