Siyaasiga Salaad Cali Jeelle Oo Ayaan Daro Ku Tilmaamay In Dowladda Soomaaliya Lagu Dhinac Wado Dano Dowlado Shisheeye (Video)

Siyaasiga lagu magacaabo Salaad Cali Jeelle ayaa Shir jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu soo dhaweeyay isla xisaabtanka ay bilowday Dowlada Soomaaliya isagoo ka digay Khatar weyn oo ka imaan karta in Dowlada Soomaaliya lagu dhinac wado dano dowlado kale,wuxuuna sheegay in qaran dumis iyo colaad hor leh laga dhaxli karo arintaasi.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Dowladaha shisheeya ay markii hore Soomaaliya lacago ku qaribi jireen inta doorashada ay socoto laakiin waxaa soo baxday ayuu yiri in lacago lagu fangareeyo sidii dowlada loo ridi lahaa Mooshino culus looga keeni lahaa, waana dhibaato cawaaqib xumo ay ka dhalan karto ayuu yiri Siyaasiga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE