Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Caawa Ka Dhacy Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka aan ka heleyno degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose aya aku waramaya in caawa halkaas uu ka dhacaya dagaal culus oo si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Dagaalka ayaa sida wararka aan ku heleyno wuxuu dhex marey maleeshiyada kooxda Alshabaab iyo Ciidan qaab dowladeed u abaabulaan oo ku sugnaa Buundada degmada.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa rasaas iyo baalootin garbaha laga tuuro hubiyey, waxaana weerarka ay ku ekeeyeen fariisan ciidan oo ku yiilay buundada Afgooye.

Rasaas in muda socotey ka dib ayaa si iskeeda ah u taagtey mana la oga sida xaaladda caawa tahay, iyadoo aan la ogeyn in Shabaabku halkaas ku suganyahay iyo inay ka baxeen.

Sidoo kale Weli lama ogaan karo khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana la aaminsanyahay in uu jiro khasaare, maadama labada dhinac ay is dhaafsadeen rasaas culus oo ku dhawaad nusa saac socotey.

Degmada Afgooye ayaa sida la aaminsanyahay xilliyada habeenkii waxa ku xoogan maleeshiyada kooxda Alshabaab oo magaalada u jira wax aan sidaas u fogeyn.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE