Wararkii Ugu Dambeeyey Maxkamad Maanta Lasoo Taagey C.raxmaan C.shakuur Oo Gacanta Ugu Jira Dowladda Fedaraalka

Maanta gelinkii dambe ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir lasoo taagey Siyaasiga mucaaradka ah eek u kacsan dowladda Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo habeen hore laga soo qabtey gurigiisa.

Xeer ilaalinta qaranka ayaa siyaasigan ku eedeysey majxaabinta qaranka iyo la shaqeynta dowlado shisheeye, arimo kale oo sida la sheegey lid ku ah qaranimada Soomaaliya.

Maxkamadeynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa timid sida uu sharciga qabo in muddo 48 saac gudahood lagu soo taago Maxkamada eedeyne gacanta ugu jira dowladda.

Xafiiska xeer iliinta qaranka ayaa codsadey ina la siiyo waqti dheeraad ah si loo soo dhameystiro eedeymaha iyo cadeymaha lagu haaysto, waxaana laga yaabaa in muddo hal todobaad ah ay dib u dhacdo Maxkamadeynta.

Dhinaca kale waxa socda dadaalo ay wadaan siyaasiyiin iyo dad kaloo eheladiisa ah Cabdiraxmaan C.shakuur oo doonaya in si damiin ahaan ay kusii daayaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE