Dhagyeyso Xisbiga Wadajir Oo Cadeeyey In Weli C.raxmaan C.shakuur Uu Yahay Maxbuus Aan Xor Aheyn

Habeenkii xalay ahaa waxa si damiin ah lagu sii daayey C.araxmaan C.shakuur oo oo ku xirnaa xaraunta Ciidamada Nabad sugidda qaranka, waxaana halkaas sii daayey Mas’uuliyiin dhiwr oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha xisbiga Wadajir Kamal Guutaale oo ka mid yahay C.raxmaan C.shakuur ayaa faah-faahiyay sii deynta Saaxiibkood, waxaana uu sheegay in weli aanu xuriyadiisa helin oo uu yahay mid si damaanad ah banaanka ku jooga.

Kamal Guutaale ayaa sheegay in kiiska Cabdiraxman Cabdishakur uusan wali xirmin, isla markaana maanta oo Khamiis ah la hor geyn doono maxkamad ku taala magaalada Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE