Dowladdo Badan Oo La Ogaadey Inay Taageero Siiyaan Mucaaradka Soomaaliya, Qeybna Ka Ah Jahawareerka

Ku dhwaad hal snao dalka Soomaaliya waxa ka jirta dowlad uu hogaamiyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka guuleystey Madaxweynihii ka horeeyey ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Doorashada Farmaajo oo loo arkaayey waa cusub oo u bariyey dowladnimada Soomaaliya ayaa iyada oo jirta wax ka yar seddax bilood laga war helya mucaaraddo xoogan oo shirar ku yeeshay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Wixii ka dambeeyey khilaafkii dowladaha khaliifka Soomaaliya waxay dhexda ka gashay jahawareer siyaasadeed iyo xaalad amni xumo, waxaana arimahaas loo sababeeyey mowqifkii dhex dhexaadnimo ee arimaha Khaliijka.

Siyaasiyiin Soomaali ah oo xilal ka waayey dowlada hada jirta ayaa fursado u arkay inay ridaan dowladda ama ugu yaraan ay ku kiciyaan mowjado siyaasadeed si go’aanada dibada ee ay qaadaneyso uu u noqdo mid fudud oo laga tala geliyo mucaaradka.

Waxa soo baxaya dowlado dhowr ah oo qeyb ka ah qasga iyo fowdada dowlada dhexe, waxaana dhaqaalaha ugu badan ay ku bixinayaan sidii mooshin iyo mowjado kale loogu furi lahaa.

Dowladda Mareenkan ayaa qeyb ka ah qorshan cusub ee socda, waxa kaloo ku wehliya dowladaha Itoobiya, Kenya, Scauudiga iyo Imaadka, dhaqaalaha caqli ka baxa ah ee ay qaataan mucaaradka ayaa waxa loosoo marsiiyaa Dowladda Imaaradka oo si toos ah ugu lug leh arimaha Soomaaliya.

Lama oga sida dowladda Soomaaliya uga gaashaaman karto khalalaasaha siyaasdaeed ee dhexda ay ugu jirto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE