Maxaa Ka Jira In Dowladda Soomaaliya ay Ka Badnbaadey Isku Day Lagu Doonayey In Lagu Afgembiyo (Xog)

Weerarkii lagu qaadey Guriga C.raxmaan C.shakuur Warsame ayaa dad badan ay aaminsanyihiin in uu ahaa weerar qorsheysan oo u jeedadiisu ahaan karto mid looga hor tagaayey dhibaato markaas loo maleegaayey qaranka Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo kala duwan qorshaha weerar Siyaasiga C.raxmaan C.shakuur looga hor tagaayey afgembi lala damacsanaa dowladda hada jirta ee uu hogaamiyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Qorshja afgembiga oo ay gadaal ka taagnaayeen dowlado dhowr ah ayaa sida laga war helay waxa ugu cad cad dowladda Imaaraadka oo sanadihii lasoo dhaafey galaangal xoog leh ku laheyd siyaasadda gudaha ee dalka.

Ilaa afar siyaasi oo uu ka mid yahay Cumar C.rashiid ayaa dhawaan shir ay ku yeesheen magaalada Dubai waxay ku heshiiyeen qaabka lagu afgembin karo dowladda hada jirta, iyadoo sidoo kale la qeyb sadey xilalka sare ee dowladda bedeli doonta tan hada jirta.

Lama sheegin nooca uu noqon doono afgembiga ee lagu qorsheeyey shirka gaarka ah ee ka dhacay Magaalada Dubai ee dalka isutagga Imaaraaka carabta, hase ahaatee waxa miiska saarnaa arimaha inqilaabka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka war heshay inqilaabka iyo fowdada la diyaariyey, waxaa kaloo jira warar sheegaya in la haayo ducmentiyaal iyo cadeymo sir oo ay ku cadyihiin qorshaha shisheeye kalkaalka ee dalka loo hoos geyn rabey Imaaraadka.

Sidoo kale qorshan cusub ee Afgembiga laga hor tagey waxa qeyb ka ahaa dowlado dhowr ah oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Imaaraadka, Mareenaka iyo Israa’il oo dhawaan kala aragti ay noqdeen Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE