Siyaasiyiin Iyo Rag Kaloo Xilal Haaya Oo Si Damaanad Ah Loogu Sii Daayey C.raxmaan C.shakuur (Akhriso Qodobada Lagu Damiintey)

Magaaloada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafey waxa ku xirnaa siyaasiga lagu magacaabo C.raxmaan C.shakuur Wrasame oo dhowr habeeno ka hor laga soo qabtey gurigiisa.

Habeenkii xalay ayaa siyaasiyiin xilal haaya waxay ku guuleysteen inay kasoo saaraan xabsigii uu ku jirey oo ku yaala xarunta Nabad sugidda qaranaka ee Dhimaha Maama Khadiijo.

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa madaxda dowladda fedaraalka ka dalabadey sii deynta Siyaasiga oo maxkamadeyntiisa ay socota.

Dhinaca wax damiintey iyo Madaxda dowladda ayaa ku hesheeyey in qodobo dhor, waxaana ka mid ahaa inta ay socota maxkamadeynta C.raxmaan C.shakuur aanu ka bixi karin dalka, In baraha bulshada ama idaacadaha aanu kusoo qori karin wax war ah iyo in xilli walba oo looga baahdo maxkamdda ama ay su’aalo weydiin karaan hey’adaha amniga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE