Tirada Wariyeyaasha La Dilay Sanadkan Sii Dhamaanaya 2017-da Oo Lasoo Saarey Iyo Tirada Soomaalida Oo Hoos U Dhacdey

Ugu yaraan 42 Suxufi ayaa la diley sanadkan 2017 kuwaas oo ku jirey shaqadooda suxufinimo xiliga la dilaayey, sida ay faafisey hay’adda CPJ ee difaacda xuquuqda suxufiyiinta.

Hay’adda CPJ oo soo saartey warbixinteeda sanadlaha ah ayaa sheegtey in dalalka Ciraaq iyo Siiriya ay noqdeen labada dal ee ugu badan ee lagu dilo suxufiyiinta. Dalka Ciraaq ayaa sanadkan lagu diley sideed suxufi, halka Siiriya lagu diley todoba suxufi.

Dilka suxufiyiinta ee dalka Soomaaliya ayaa hoos u dhacdey labadii sano ee u danbeysey, waxaana sanadkan la diley laba suxufi oo keliya kuwaas oo kala ahaa Cabdullaahi Cismaan Macalim oo u shaqeynaayey Jubaland TV iyo Cali Nuur Siciid oo u shaqeynaayey VOA.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE